Hanjabaada Beesha Garxajis iyo Jeegaanta dhiig miiratada ah

0
100

Hargeysa'(baraarugtv)-“Dadka jabaaya waxa la gu gartaa, runta ayaa ku yaraata. Kooda qaldan ayay run u sheegi waayaan, oo waa is qaban waayaan. Taasi waa calaamad weyn. Nin oday ah oo Hargeysa jooga, oo ka mid ah Gudiga Beesha Garxajis ayaanu xalay is maqalnay. Hadda gudiga aan sheegayaa waa kuwa saxda ah, ma aha Guddi baasto kuwa loo yaqaan ee Muuse dharka u dhaqa. Ninkii odayga ahaa waxa uu na gu yidhi anaka oo badan, laba habeen ka hor waxa noo yimid ergo odayaal ah oo beelaha Isaaq qaarkood, gaar ahaan H/awal iyo H/jeclo ka socda. Ergadaasi waxa ay keentay war ah – Garxajisoow in Muuse uu jujuub wado, oo qaldanyahay, oo gardiid yahay waa aragnaa, laakiin na maqli maayo, sidaas darteed waxanu u nimid in aan idinka idin ku jiifsanno, oo waxaas uu soo samaystay aad la qaadataan, oo waa qadhaadhahay ee is ka liqdaan. Nin aanu wada joognay baa ku yidhi, oo nimanka maxaa u odhan weydeen, ilmaadeerayaal inta aydaan na gu odhan waa idin ku jiifsanaynaa, horta hadmaad na ga toosteen? Ninkii odayga ahaa waxa uu yidhi – oo miyaanu u yaraysanay. Nimankii waxanu ku nidhi, socodkiina iyo hadalkiina toona ergo ma u aragno ee hiil badheedh ah, oo Muuse ku taageeraysaan, oo ah kii aad awalba waddeen baanu u aragnaa ee nimanyahow inna ka la kaxeeya. War waxanu ku soo ururinay, buu yidhi, waanu soo tashanaynaa nimanyahow. In aanu keligayo iska kiin celino iyo in aanu cid idiin doonano ayaanu ka tashanaynaa ee imika na inna ka la kaxeeya baanu nimankii ku nidhi, ayuu yidhi. Xassan Cabdi Salaan oo kaadhka Awal matalaayay iyo Suldaan Maxamuud Guuleed oo kaadhka H/jeclo xoqanaayay ayaa labada dhinac ka la hogaaminaayay. Carab dalab leh, lug dalab leh laga garan ogg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here