Gudd.Waddani Xirsi iyo Murashax Cirro maxay kala kulmeen jeelka Baki ee Gobolka Awdal?

0
307
  1. Hargeysa,(baraarugnews net)-“Aniga iyo musuuliyiin sare oo Xisbiga Waddani ah oo uu ugu horreeyo murashaxa madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiye kuxigeennada Xibsiga, Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good iyo Marwo Milgo Maxamed Sanbalooshe iyo sidoo kale ganacsade Cabdifataax Xuseen Ismaaciil (Gamaameeye) waxa aannu maanta booqasho ugu tagnay masuuliyiinta xisbiga Waddani ee muddada labada todobaad gaadhaysa ku xidhan jeelka degmada Baki ee gobolka Awdal.Masuuliyiintan oo kala ah xoghayaha ciyaaraha ee Xisbiga Waddani, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga iyo xubno ka mid ah golaha dhexe ayaa waxa si sharcidarro ah loo soo xidhay maalmo kooban ka hor bannaanbaxyadii silmiga aha ee 11 Ogos, 2022, ilaa haatanna sifo sharciga iyo xeerarka dalka baal marsan ayaa xabsiga loogu hayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here