Golaha Wakiilada Somaliland Maxay Ka Yidhaahdeen Furitaanka Ururo Siyaasadeed Cusub?

0
414
Golaha Wakiilada Somaliland Maxay Ka Yidhaahdeen Furitaanka Ururo Cusub Oo Siyaasadeed?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka tirsan Aqalka Golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay innuu dhaqan galay sharciga banneenaaya furitaanka ururo siyaasadeed cusub, isla markaana talaabada uu qaadey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa welwel weyn ku abuuray labada xisbi ee Waddani iyo UCId.

“Golaha waxa laga sugayaa kaliya faafinta xeer lanbar 14 oo ah dhaqan gal ,saxna ma aha in lagu wareegaaleysto dood jaban oo aan lahayn nuxur sharci,waxa haboon in mudayaashii umadu soo dooratey hadii aanu nahay aanaan ixtiraamin Xisbi iyo aragti siyaasadeed oo dhaawaceysa shuruucdii dalka u taaley.

Wakhtiga la gudbiyey ee golihii hore gudbiyey 29 bishii lixaad ee 2021.

Wakhtiga ku taariikheysan saxeexa Madaxweynaha 20 bishii lixaad ee 2021.

Wakhtiga golaha lagu soo celiyey ee goluhu ka qabtey Xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikheysan 21 bisha sideedaad ee 2021

Wuxuba waxay ku cad yihiin waraaqda yellowga ah Wakhtiga sharciga ah waa wakhtiga jawaabta madaxwaynuhu ku soo gaadhay golaha ee uu kusoo celiyay..

Sida uu kheexayo qodobka dastuuriga ah ee 77(6)oo si waafi ah uga jawaabaya taariikhiyan ta la dabaqayo .

Sidoo kale xeer hoosaadkii golaha 34 (18)ka jawaabeysa xaaladan sida looga gudbayo

Arinkani ma aha arin dood sharci la galiyo waa arin cad oo aan madmadow ku jirin , yaan umada la jaahwareerin kaliyaata waxa haboon in mudayaashii umadu soo dooratey hadii aanu nahay aananu ixtiraamin Xisbi iyo aragti siyaasadeed oo dhaawaceysa shuruucdii dalka u taaley , Golaha waxa laga sugayaa kaliya faafinta xeer lanbar 14 oo ah dhaqan gal , saxna ma aha in lagu wareegaaleysto dood jaban oo aan lahayn nuxur sharci .

Mustafe Axmed Khayre oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sidaa soo dhigay bartiisa.” Xildhibaan Mustafe ayaa barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa ku faafiyey warkan ayaa xafiiska wararka ee Shabakada Baraarugnews.net ka soo xigatey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here