Farmaajo Oo Taliyihii Ciidanka Bada Shaqo ka joojin ku sameeyay &Sababta Keentay

0
425

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee soomaaliya farmaajo ayaa shaqada ka joojiyay taliyaha ciidanka badda Cabdixamiid maxamed dirir.
AMAR SHAQO KA JOOJIN TALIYAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYEED S/GUUTTO CABDIXAMIID MAXAMED DIRIR
Muqdisho, Diseembar 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here