Faahfaahin Dheeraad Ah Heshiiska Domaliland Iyo Itoobiya

0
74

Somaliland,(Baraarugtv.com)-Faahfaahinta ay ka bixisay dawlada ethiopia MOU ina biixi uu la gaadhay waxaa kaliye ku xusan;
1 waa in ethiopia share kiro ah ka siisay somaliland diyaarada ethiopian airline, share kaaso oo aan waliba xadigiisa la sheegin.
2 in ethiopia ka fiirsanayso aqoonsiga somaliland, hada siinayso mahaa waa in ayka fiirsanayso ka fiirsigasi war cad mahaa laablaab ayaa ku jira.

Hadaba marka la eego khatarta uu lee tahay MOU Hadii hashiis loo badalo labadaas qodob ma u qalmaan in khatartaas loogu badheedho ,jawaabta kooban waa maya oo hadana waa maya.

Si Kooban qodobka kowaad ee kubsaabsan ethiopian Airline xadiga samiga ugu badan la ina siin karaa waa 30% qiyaastayda una dhiganta 1.8 billan, marka la ego wax soo saarka hada ee ethiopian Airline oo gaadhaya 6 bilyan oo dollar dhaqaale ahaan somaliland marka loo eego waa dhaqaale buuran.lakiin hadii dhinaac kale laga eego oo tuugnimada ijaafada joogtada siyaasiyiintu ku hayaan shacabka somaliland laga daayo oo si daacad ah loogu shaqeyo shirkad dhaqaale intaas ka badan soo saarta ayaa lagu dhisi karaa muda 15 ilaa 25 sano ah hadii taasla samayn karo looma baahna heshiis keenaya in ciidan ethiopia ah dhulkeena iyo xeebaheena yimaadan waxa ka danbeeya ayaynaan aqoon.

Qodabka labaad ee ah waxaanu kanfirsanaynaaa aqoonsi somaliland isna maaha mid cadaan oo waa qodob madmadaw badani ka jiro xataa haduu cadyahay wuxuu goyn karo ayaaba iska yar madamo ethiopia aanay ahayn dal samayn leh dunida waxka ku ool ah.