Dhulka Somaliland lama iibin karo, madaxweyne na ma.. .”

0
112

“Heshiiska La Galay Waa Mid Loo Marayo Dastuurka Somaliland,Waxa Uu U Oggol-yahay iyo Waxa Uu Reebayo-ba…” Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Baraatugtv.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa dalka ku soo guryo noqday gelinkii hore maanta, waxana si ballaadhan soo dhaweyntiisa ugu soo baxay kumannaan ka tirsan shacabka ku dhaqan caasimadda, kuwaas oo taxnaa dariiqa weyn ee isku xidha madaarka Cigaal iyo madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Kumannaan shacabka caasimadda ah oo ay hoggaaminayaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, madaxda Gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka Golaha Degaanka Hargeysa, taliyeyaasha ciidammada kala duwan ee dalka iyo madax-dhaqameed kala duwan oo ku lebbisnaa astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweeyey, waxana uu madaxweynuhu shacabka kala hadlay goob fagaare ah oo ku taalla afaafka hore ee madaarka Cigaal International Airport, isaga oo si qoto dheer uga xog warramay guulo taariikhi ah oo uu ka soo hooyey socdaalkiisa Itoobiya.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka sheekeeyey guulaha ka dhashay heshiiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku helayo aqoonsiga ee uu la galay dawladda Federaalka Ethiopia iyo guulaha ay Somaliland ka dheefayso, waxaannu si adag u deedafeeyey dhawaaqyada heshiiskaas lagu dibin-daabyeynayo ee ka soo yeedhaya madaxda Soomaaliya.
Ugu horrayn, waxa uu ka hadlay nooca heshiiska ay labada dawladood galeen oo ah mid labada dhinac danahooda ka dhex arkeen, loona raacayo xeerarka iyo Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamka, “Heshiiska la galay waa mid loo marayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u oggolyahayna waa la marayaa, wuxuu reebayna waa la reebayaa, saldhigga heshiiskuna waa Dastuurka, dawladda Somaliland iyo Ethiopia na way shireen, waxana ay isu sheegteen dano mid waliba uu u baahan yahay inuu ka kale wax kala qabto,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu caddeeyey inay in heshiisku tilmaamayo inay Ethiopia noqoto dalka ugu horreeya ee Somaliland dawladnimadeeda ictiraafa, Ethiopia-na kiraysan doonto goobo Somaliland ah oo cabbirkoodu sugan yahay, loona raacayo qawaaniinta caalamka ee la isla yaqaanno.
Madaxweyne Biixi oo arrintaas faahfaahinayey waxa uu yidhi, “Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia waxa ay ku heshiiyeen inay Ethiopia hesho dhul kiro ah oo cabbirkiisa laga heshiiyey, sharciga caalamka ee dhulalka iyo saldhigyada adduunka lagu kala kiraysto loo maro, Ethiopia na waxa ay heshiiska ku saxeexaysaa inay noqoto dawladda ugu horraysa caalamka ee Somaliland ictiraafta, isku goob baana labadaa lagu kala saxeexanayaa, marka sharciyadda dalka loo dhammeeyo ee ta Dastuurkeenna iyo xeerarkeenna loo dhammeeyo, ta caalamkana la waafajiyo.”
Madaxweynuhu waxa uu meesha ka saaray hadallada beenta ah ee cadowga Somaliland faafinayo ee lagu sheegayo in dhul qaranku leeyahay laga iibiyey Ethiopia.
“Dhulka Somaliland lama iibin karo, madaxweyne na ma iibin karo, warkaasina waa ka cadowga, awooddaasna aniga iyo madaxweynaha soo socdaana ma laha, manay dhicin, dhicina mayso,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu madaxda Soomaaliya u diray farriin adag oo la xidhiidha inay ka waantoobaan carqaladaynta horumarka Somaliland iyo guulaha ay gaadhay, kana hadhaan dacaayadaha heshiiska ay Somaliland ictiraafka ku heshay ee ay la gashay dalka Ethiopia.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu shacabka reer Somaliland u soo jeediyey inay qarankooda garab istaagaan, wada-jirna uga hawlgalaan sidii heshiiskaas muhiimka ah hirgeli lahaa, una midoobaan danta guud ee qaranka.
Dhinaca kale, waxa gudaha qasriga madaxtooyada lagu qabtay munaasibad kooban oo lagu soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana halkaas ka hadlay xubnaha qaranka ugu sarreeya oo ay ka mid yihiin madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, guddoomiyeyaasha goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, kuwaas oo soo dhaweeyey heshiiska taariikhiga ah ee Somaliland gashay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas khudbad kooban ka jeediyey, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo masuuliyiinta qarankaba uga mahadnaqay sida miglaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in heshiiska dawladdu la gashay Ethiopia yahay kii ugu muhiimsanaa ee abid qarankani galo, maaddaamai markii ugu horraysay qaranka Somaliland helayo aqoonsi caalami ah.
Baraarugtv.com
Hargeysa, Somailand
Emial-baraarugnews@gmail.com