Dawladda Ruushka Oo Ku Eeddaysay Dawladda Maraykanka In Ay Lug Ku Leedahay Dagaaalka Ka Socda Ukrain

0
322
Dawladda Ruushka Oo Ku Eeddaysay Dawladda Maraykanka In Ay Lug Ku Leedahay Dagaaalka Ka Socda Ukrain
Dawladda Ruushka Oo Ku Eeddaysay Dawladda Maraykanka In Ay Lug Ku Leedahay Dagaaalka Ka Socda Ukrain

Mascow(Baraarugnews.net)-Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Ruushka ee Moscow ayaa sheegay in Mareykanka uu ciidamada Ukraine u calaamadaynayay meelaha ay ku garaacayaan gantaallada uu Mareyknaka sameeyay ee Himars.

Labo-xiddigle Janaraal Igor Konashenkov ayaa sheegay in Ruushku uu helay xogta wicitaanno dhex maray saraakiil reer Ukraine ah oo fashilaya xiriirka u dhaxeeya labada dhinac, isla markaana Ruushka ayaa hore ugu eedeeyay dawladda Maraykanka in ay Ukraine ka waddo dagaal ay gacan kale u adeegsanayso.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in ay Ukraine siiyeen “xog faahfaahsan, oo waqti xasaasi ah la xidhiidha, si ay ugu caawiyaan fahamka halista ay wajahayaan iyo inay waddankooda ka difaacaan gardarrada Ruushka

Himars waa hub ay ka dhacaan gantaallo wadar ah oo lagu beegsan karo bartilmaameedyo fog oo gaadhaya ilaa 70km (45 miles). Waxay gaaraan meelo aad uga fog masaafaha ay gaadhi jireen gantaallada ay Ukraine horay u haysatay.

Waxaa kale oo la aaminsan yahay inay ka shiish fiican yihiin gantaallada iyaga la midka ah ee ay haystaan militeriga Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here