Damaca Qarsoon Ee Somaliland & Haddii waddanka Shiinaha Ay Awood Ku Qabsadaan Dalkeena. Marinka Oo Idil Iyagaa Maamuli Doona.”

0
349
Damaca Qarsoon Ee Somaliland & Haddii waddanka Shiinaha Ay Awood Ku Qabsadaan Dalkeena. Marinka Oo Idil Iyagaa Maamuli Doona.”
Damaca Qarsoon Ee Somaliland & Haddii waddanka Shiinaha Ay Awood Ku Qabsadaan Dalkeena. Marinka Oo Idil Iyagaa Maamuli Doona.”

Maraykanka,(Baraarugnews.net)-U-jeeddada damaca qarsoon ee Dawladda Somaliland ayaa militariga Mareykanka u yaboohday deked iyo garoon diyaaradeed oo ku yaalla marin badeed muhiim ah, Isla markaana Somaliland, ayaa doonaysa in ay uga badelato Dawladda Maraykanka in loo aqoonsado dawlad madax-banaan.

Dawladda Maraykanka, ayaa walaac xoogan ka qabta dalka Shiinaha ee isku balaadhiyey qaarada Afrika,Balse Madaxweyne Muuse Biixi cabdi, ayaa qorshaynaaya innuu bisha March booqdo Washington, halkaasoo la filayo inuu ku sahmiyo xiisaha Mareykanka ee ku aadan isticmaalka xarumo ku yaalla magaalada Dekeda Berbera.

Berbera waxay ku taallaa Gacanka Cadan, oo ah marin muhiim ah oo xidhiidhiya Badweynta India, marin biyoodka Suez iyo Badda Meditareeniyaanka.

“Madaxweynaha wuu soo dhoweyn lahaa joogitaanka Mareykanka iyo inuu ilaaliyo mari-biyoodyadan. Mareykanka waa inay si deg deg ah falcelin u sameeyaan.”sidaas yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Ciise Kayd oo wareysi siiyey Wargeyska Wall Street

Somaliland ayaa muddo 30 sano ah wadday olole ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee dadaalkan cusub ayaa imanaya xilli ay haysato fursan weyn.

“Xasillooni darrada sii socota ee Geeska Afrika iyo tartanka caalamiga ah ee loogu jiro kheyraadka iyo saameynta ayaa ka dhigaya muhiim inaan la shaqeyno saaxiibada nagu aragtida ah ee gobolka, sida Somaliland oo ay ka go’an tahay nabad, dimoqraadiyad iyo barwaaqo,”Sidaa ayuu yidhi Senator Jim Risch, oo ka mid ah xubnaha ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga ee ku jira Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate-ka Dalka Maraykanka.

Madaxwetynaha dalka maraykanka Biden ayaa ku adkeysanaya siyaasadda Mareykanka ah in Soomaaliya ay tahay hal dal, oo Somaliland ay ku jirto. Sidoo kale dowlado badan oo Afrikan ah ayaa aqoonsi ay hesho Somaliland u arka inay dhiiri-geli karto inay iyaguna wajahayaan gooni u goosad dalalkooda ka dillaaca.

Diblomaasiyiinta  ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa qarin siday uga niyad-jabsan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marar badan dib-u-dhigay doorashada iskuna dayey muddo kororsi.

Sanadii 2017-kii, Shiinaha ayaa saldhig militari ka sameystay dalka Jabuuti, oo ku dhegan dalka Somaliland, meel u dhow marinka Bab el-Mandeb, oo isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Inkastoo Jabuuti aysan muujin inay sidaas dooneyso, haddana waqti kasta ay xidhi karto saldhigga Mareykanka ee dalkaas, taasi oo militariga Mareykanka ku qasbi karta inay raadiyaan saldhig cusub.

Somaliland ayaa u aragta loolanka quwadaha adduunka inuu u furayo albaab ay ku xaqiijiso aqoonsi caalami ah. “Haddii waddanka Shiinaha ay awood ku qabsadaan dalkeena, ama siyaabo kale, markaas marinka oo idil iyagaa maamuli doona,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd.

Nagala soo xidhiidh Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here