Dalka MasarOo Ka Cadhootay Raysal,wasaare Abiy Axmed Shalay Xadhig Ka Jaristii Furitaanka Biyo Xidheenka Ka Dhalinayso Tamarta Korontada Dawladda Itoobiya &Talaabada Qaadayso Dawladda Masar

0
381
Dalka MasarOo Ka Cadhootay Raysal,wasaare Abiy Axmed Shalay Xadhig Ka Jaristii Furitaanka Biyo Xidheenka Ka Dhalinayso Tamarta Korontada Dawladda Itoobiya
Dalka MasarOo Ka Cadhootay Raysal,wasaare Abiy Axmed Shalay Xadhig Ka Jaristii Furitaanka Biyo Xidheenka Ka Dhalinayso Tamarta Korontada Dawladda Itoobiya

 

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Dawladda Masar, ayaa sheegtay in go’aanka dawladda Itoobiya ay bilowday ee ah inay hawl-galinayso  biyo xidheenkeeda inay tahay mid xad gudub ku ah heshiiskii la saxeeyay sanadkii 2015-kii.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar oo ka hadashay go’aanka dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in talaabadani tahay talaabo dheeraad ah oo ay qaadey xukuumadda Adis’ababa mid xad-gudub ku ah mabaadida heshiiskii 2015kii oo uu saxeeyay Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya oo ka dhacay Kishasa DR,Congo,kaasoo ku soo dhamaaday fashil. Dhanka kale Dawladda Itoobiya oo ka jawaabtay hadalka ka soo yeedhay dawladda Masar,ayaa sheegtay in biyo xidheenkeedu ku salaysan yahay mabaadidii heshiiskii ay la gashay dawladdaha Masar iyo Sudan.

Wakaalada Itoobiya,sida ay baahisay Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa fariin u diray dawladda Sudan iyo Itoobiya,kazoo ku wargaliyey in qayb ahaan la bilabayo qaybta korontada ee biyo xidheenka dhaamka Itoobiya.

“Itoobiya ma doonayso oo kaliya in Tamarta Korontada ka faa,iidaystaan oo kaliya.Waxay doonaysaa inay ka faa,iidaystaan dalalka Itoobiya la jaarka ah ee Afrika.sidoo kale Itoobiya waxay doonaysaa inn loo dhoofiyo Tamarta korontada biyo xidheenkeeda waddamada Yurub. Si loo yareeyo qiiqa gaasta warshadaha. Mana doonayaan dadka reer Itoobiya inay gaajo iyo haraad u dhintaan dadka ku nool waddamadda Sudan iyo Masar.Biyo xidheenka wax aka faa,iidaysan doona walaalaha afrikaanka ah oo ay ku jiraan shucuubta dalalka Sudan iyo Masar”Sidaa ayuu yidhi Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo warkiisa lagu baahiyey wakaalada wararka ee Itoobiya.

Haddaba warkan ka soo yeedhay dawladda Masar, ayaa ku soo beegmaaya markii uu shalay Raysal,wasaare Abiy Axmed ayaa shalay xadhiga ka jaray oo furay wajiga kowaad ee korontada looga dhalinayo biyo xidheenka Itoobiya,iyadoo munaasibadii furitaanka ay ka soo qayb galeen boqolaal qof oo isugu jiray masuuliyiin, xildhibaano, hogaamiyaasha bulshada iyo culumada Diinta ee dalka Itoobiya, isagoo xadhiga ka jaray hal mishiin oo ka mid ah kuwa korontada, iyagoo wadarta guud ee mishiinadu tiro ahaaan gadhayaan 13 mishiin.wada hadalo mudo dheer u dhaxeeyay waddamadda Sudan,Masar iyo Itoobiya ayaa wax natiijo ah oo heshiis ah laga gaadhin. Balse talaabadan uu qaaday Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa wax weyn ka badelaysa marshuuca biyo xidheenka muranka weyn dhaliyey ee ka dhexeeyay dalalka Sudan, Masar iyo Itoobiya.

Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here