Dalabkii Mashaariicda Weftiga Somaliland Iyo dawladda maraykanka &Madaxweyne Muuse Biixi waa Ganacsade Siyaasadda Kaga faa,iidaysanaaya Shirkaddiisaha Ganacsi

0
727
Dalabkii Mashaariicda Weftiga Somaliland Iyo dawladda maraykanka &Madaxweyne Muuse Biixi waa Ganacsade Siyaasadda Kaga faa,iidaysanaaya Shirkaddiisaha Ganacsi
Dalabkii Mashaariicda Weftiga Somaliland Iyo dawladda maraykanka &Madaxweyne Muuse Biixi waa Ganacsade Siyaasadda Kaga faa,iidaysanaaya Shirkaddiisaha Ganacsi

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi cabdi, ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga adeegyada qalabaynta ee aqalka Maanta, isla markaana wuxuu sheegay inay ka wada hadleen siddii ay ula dagaalamilahaayeen kooxda argagixisada ee dalkeena Somaliland iyo Maraykan.
Muuse Biixi oo barta uu ku leeyahay Tiwiitarkiisa ee baraha bulshadu ku wada-xidhiidho oo qoraalkan kooban uu ku soo qoray, ayaa xafiiska wararka ee Baraarugnews.net ka soo xigatey, ayaa u dhignaa sidan:-
“Successful meeting with @RepAdamSmith, Chairman, House Armed Services Committee, today. Grateful for the opportunity to discuss tangible ways to advance U.S.-Somaliland relations and focus on security cooperation and counterterrorism efforts in our country. Kulan guul leh oo lala yeeshay @RepAdamSmith, Guddoomiyaha, Guddiga Adeegyada Qalabka ee Aqalka, maanta. Waxaan ka mahad-celinayaa fursadda ah inaan ka wada hadalno habab la taaban karo oo lagu horumarinayo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, diiraddana la saaro iskaashiga amniga iyo dadaallada la dagaalanka argagixisada ee dalkeenna.” “Successful meeting with @RepAdamSmith, Chairman, House Armed Services Committee, today. Grateful for the opportunity to discuss tangible ways to advance U.S.-Somaliland relations and focus on security cooperation and counterterrorism efforts in our country.:Ayuu yidhi Muuse Biixi qoraalkanTiwiitarkiisa ku soo qoray.
Qaar ka mid ah xubnaha socdaalka ku weheliya Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubnaha daba-guuraaya ee safarka ku jooga dalka Maraykanka oo ka cudur-daartay in aanu magacooda sheegno sababa la xidhiidha innuu saameyn dhanka naftooda ku keeno warkan, ayaa noo xaqiijiyey in arrimo qoyskiisa Madaxweyne Muuse qayb ka tahey socdaalkiisa dalka Maraykanka ku tegay,laakiin hawo been borobogaadho ah ku jirto,sida wasiir Cali Koore kaga hadlay socdaalka Maraykanka oo warbaahinta Afka xukuumada Muuse Biixi u soo tabinayso tahey mid majaro habaabinayo shacabka masiikiinta ah ee reer Somaliland ku khaldaaya,Balse xogaha ayaa tibaaxay in Muuse Biixi, socdaalka maraykanka uu ku tegay kama shaqaynayo oo kaliya danaha Ictiraaf raadinta Somaliland, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi waa ganacsado siyaasadda kaga faa,iidaysanaaya shirkaddiisaha ganacsi iyo inuu kor u qaado ganacsigiisa oo ku qoray magacooda dad kale oo ehelkiisa, kuwaasoo ay ka mid yihiin waa masuulka u qaabilsan diyaaradda Itoobiya Somaliland iyo innuu keeno diyaarad cusub oo duulimaad ku yimaado innuu keeno.Muuse Biixi waa mulkiilaha Shirkadda shiidaalka keenta ee Taraafo-guure, saamina ku leh shirkadda xawaalada World Remid oo masuul ka yahay ganacsade beesha Madaxweyne Muuse Biixi.Balse Muuse Biixi Cabdi waxa la socda xubno qoyskiisa ah oo sheeganaaya inay yihiin ganacsato Somaliland, kuna heshiiyeen in cid kasta oo la kulmaan madaxda iyo ha’yaddaha dalka Maraykanka,iyaguna kala hadlaan mashaariic iyo jaanisyada ganacsi inta muuse Biixi xilka hayo, uga faa,iidaystaan dhaqaale hantiyeed, kana faa,iidaystaan fursada hortaala xilka kursiga hayaan.Isla markaana qoraalka kooban Madaxweyne Muuse Biixi cabdi ku baahiyey bartiisa Tiwiitarkiisa ayaa macno ahaan u dhacaaya inuu lacago barajagtiyo mashaariic been abuur ah dhanka amniga iyo alshabaab waydiisto dawladda Maraykanka.
Sidoo kale,masuuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse Biixi oo qayb ka ah safarka Madaxweynaha Somaliland,ayaa sheegay in caafimaad ahaan u sii qaadeen laba hablood oo yar-yar oo uu dhalay Muuse Biixi Cabdi,kuwaasoo la sheegay in xaaladooda caafimaad dhakhaatiirta Somaliland wax-ba ka qaban kariwayday lugaha xanuun ka haleeyay labada Hablood ee Madaxweyne Muuse Biixi dhalay.isagoo Muuse Biixi la saarnaa diyaarada arrimaha uu maraykanka u tegay weeye Muuse Biixi.
Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here