“Ciidaydii Hooyooy Dadkii Jooga Somaliland In Ay Si-xaq Ah ii eegtaan Ayaan Doonayaa. Odaygii Waxa Naga Afduubay Sheekh Aadan Siiro iyo Cali Masaajid. Madaxweyne Muuse Biixi Waxaan…”

0
635

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Hooyo khadra Axmed oo ku nool gudaha magaalada Hargeysa, ayaa osheegtay in sheekh Aadan Siiro iyo nin kale oo lagu magacaabo Cali masaajid uu hantidoodii oo dhul ah ka damaaciyeen, doonayaana inay xoog kala wareegaan, isla markaana Waxay ka codsatey madaxweyne Muuse Biixi cabdi innuu arrintooda wax ka qabto, una soo gurmado.

Khadra Axmed oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigtay waraaqaha cadeynaaya  mulkiliyada inay leedahay dhulka uu doonayo innuu dhisto Sheekh Aadan Siiro ee magaalada Hargeysa. Waxaaney Tidhi Sidan:-“Ciidaydii hooyooy dadkii joogow inaad si-xaq ah ii eegtaan Ayaan doonayaa. Odaygii  waxa  naga afduubay Sheekh Aadan Siiro iyo cali Masaajid. Huteelkii Jabuuti anaga ayaa leh. Waxa shacabka reer Somaliland iyo Madaxweynaheyga Muuse Biixi Cabdi oo aan maalintii horena u cawday innuu arrintayda wax ka qabto, hoos-na u eego. Anaggu wax xaraan ah ma doonayno, ee waxaanu u baahanahey waxayagii oo xalaal ah.”/Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka khadra ee Radio baraarug Media.
Iimeelka. caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here