Ciidamada Tigraygay ee TPLF Oo Dagaal Rogaal celis ah Dib Ugu Qabsadey magaalooyin Raysal,wasaare Abiy Axmed Hore Ugu Faanay Gacan Ku Hayntooda &Goob Joogayaal ka hadlay

0
450
Ciidamada Tigraygay ee TPLF Oo Dagaal Rogaal celis ah Dib Ugu Qabsadey magaalooyin Raysal,wasaare Abiy Axmed Hore Ugu Faanay Gacan Ku Hayntooda &Goob Joogayaal ka hadlay
Ciidamada Tigraygay ee TPLF Oo Dagaal Rogaal celis ah Dib Ugu Qabsadey magaalooyin Raysal,wasaare Abiy Axmed Hore Ugu Faanay Gacan Ku Hayntooda &Goob Joogayaal ka hadlay

Itoobiyaha,(Baraarugnews.net)-Dagaalada ka socda dalka Itoobiya ayaa maraaya meel halis iyo khatar ah, isla markaana Ciidamada Tigrayga Ethiopia, ayaa maanta dib u qabsaday magaalada waqooyiga  ee Lalibela, oo ay hay’adda UNESCO u aqoonsan tahay dhaxal adduun, sida ay sheegeen dad ku sugan deegaanka magaalada Lalibela ee Itoobiya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qabsashada Tigrayga ayaa ku soo beegmaysa 11 maalmood, kadib markii ciidamada federaalka Ethiopia ay sheegeen inay dib ula wareegeen magaalada Lalibela.

Dagaal-yahanada  ciidankaTigrayga  ee TPLF.“waxay joogaan xarunta magaalada, mana socdo wax dagaal ah,” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku sugan deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka AFP,  kana gaabsadey magaciisa.

Qof kale oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Lalibela oo goob jooge ah ayaa isna wakaalada wararka ee AFP u sheegay sidan.“Haa waa ay soo laabteen, halkan ayey-ba joogaan mar hore ay yimaadeen dhinaca bari ee jiida Woldiya.Inta badan shacabka magaalada cabsi ayaa haysa. Qaarkood waa ay cararayaan. Kuwa badan ayaa ka baxaaya magaalada ayaga oo ka cabsi qaba in laga aarguto.”

Bayaan ka soo baxay hoggaanka Militari ee TPLF ayaa lagu sheegay “inay weerar rogaal celis ah ay dhowr jiho magaalada kaga soo qaadeen, gaar ahaan waddada xidhiidhisa Gashena iyo Lalibela. Ciidamadeena markii hore way is-difaaceen, kadib waxay qaadeen weerar celis ka dhan ah ciidamada huwanta ee soo weeraray jiidda Gashena iyo aagga ku hareereysan, waxayna gaadheen guul xooggan,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay ciidanka TPLF.

Sidoo kale, xaalada cusub ee  ka soo korodhay dagaalka Itoobiya ayaa keenay is badel kale oo lama filaan ah, kaasoo ku yimi guushii dagaalkii uu hogaaminayey Raysal,wasaare Abiy Axmed ee todobaadkii hore innuu ka gaadhay natiijo weyn oo guul ah dagaalkii ciidamada Tigrayga ee TPLF,ka dib bilooyinkii badnaa ee guulaha ay ka gaadhayeen ciidamada Tigrayga TPLF oo aad u jabiyey ciidamada Raysal,wasaare Abiy Axmed. Hase, yeeshee magaalada Lalibela ayaa  645km u jirta caasimada dalka Itoobiya ee Adis’ababa, taasoo ah goob ay cibaadi ahaan u tagaan dadka haysta diinta Kiristaanka ee dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here