Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa Oo Saq-badhkii Caawa Guryo Ugu Daatey Dhalinyaro Iyo Tiradda La Xidh-xidhay

0
2263

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ciidamada booliska magaalada Hargeysa,ayaa caawa saq-badhkii miray dhalinyaro ay ugu daateen guryahoodii,iyaga oo jiifa.

Ciidanka booliska Somaliland, ayaa xilli saacadu  caga-cagaynayso labadii habeenimo ugu daatey guryaha sadex ka mid ah dhalinyaradii abaabulaysay mudaharaadada xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID.

Shabakadda Baraarugnews.net, ayaa mar dhawayd loo xaqiijiyey in ciidanka Boolisku ay guryahooda kala baxeen saddex dhalinyaro ah, oo lagu magacaabo Cabdale Gaax-nuug, Maxamed Mursal iyo Cabdifataax Kayse Nuur, isla markaana waxa la sheegay in loo qaaday dhanka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, warar kala duwan ee iska soo daba-dhacaaya ee ku saabsan xaalada ay gashay wakhti xaadirsan Somaliland, ayaa u sheegay Wakaalada Caalamiga ah ee baraarugnews.net ciidamada booliska magaalada Hargeysa ku daba jiraan xubno kale oo ka mid ah dhalinyarada ku nool caasimada Somaliland ee Hargeysa,Balse waxa la sheegay in saddexda dhalinyarada ah ee caawa guryaha loogu dhacay lala xidhiidhinayo xadhigooda inay ka mid yihiin mucaaridka abaabulaaya mudaharaadka ee xisbiyada UCID IYo Waddani.

Hase,yeeshee waxa la sheegay in dhalinyaradda saddexda ah ee caawa la qabtay ay ka mid ahaayeen dhalinyaro Axadii todobaadkan aynu ku jirno ay ka mid ahaayeen dhalinyaro Xaflad ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaasoo kaga arrinsanaayey siddii ay u qaban lahaayeen mudaharaad ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here