Beesha Baho Ugaas ee Habarjeclo oo samaystay Boqor Cusub Yuusuf sheekh Bashiir

0
537
Beelaha Baho ugaas ee Habarjeclo oo caleemo saarey Boqor

Boqor Yuusuf Sheekh Bashiir HargBeelaha Baho ugaas ee Habarjeclo oo caleemo saarey Boqor eysa (baraarugnews.net)-Beelaha Baho-ugaas oo ka mid ah beesha Habarjeclo,ayaa samaystay Boqor cusub oo caleemo saraaya,una doortay Boqor Yuusuf Sheekh Bashiir isla markaana shirar kala duwan oo ay yeesheen beelaha Baho ugaas oo ka dhacay magaalooyinka Burco,Hargeysa iyo dalalka Yurub, Imaaradka Carabta iyo Maraykanka,ayaa dhamaan isla qaatey in wixii maanta ka bilaama ay Boqorka beesha Baho Ugaas ee Habarjeclo u doorteen Yuusuf Sheekh Bashiir.Beesha Baho-ugaas oo ka kooban lix beelood oo kala ah Beesha Cimraan,Sanbuur,Yeesif,Samane Abokor,Aadan Madoobe iyo Reer Dood oo ka mid beesha Habarjeclo,ayaa u doortay BOQORka beesha Baho-ugaas Yuusuf Sheekh Bashiir. Yuusuf Sheekh Bashiir,ayaa ka soo jeeda qoys taariikh iyo magac weyn ku leh dhulka bulshada soomaaliyeed,isla markaan Boqor Yuusuf sheekh Bashiir ayaa ku abtirsada qoys halgankii gobanima doonka gobolada waqooyi oo sheekh bashiir dagaal adag la galy Ingiriiska,kaasoo qayb weyn ku lahaa halgankii daraawiishta.Beesha Baho Ugaas ee Habarjeclo,ayaa go,aan ku gaadhay on wixii maanta ka dambeeya ee madaxdhaqmeedka beesha baho ugaas metala uu yahay Boqor Yuusuf Sheekh Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here