Aqoonyahan,dhalinyaro, madax-dhaqmeed iyo siyaasiyiin Miisaan Culus Ku Leh, Waa Maxay Shirka Degdega ah Ee khatarta ku soo wajahan Nolosha Shacabka Somaliland lagaga Badbaadinayo ee Ka Furmay magaalada Hargeysa?

0
285

Aqoonyahan,dhalinyaro, madax-dhaqmeed iyo siyaasiyiin Miisaan Culus Ku Leh, Waa Maxay Shirka Degdega ah Ee khatarta ku soo wajahan Nolosha Shacabka Somaliland lagaga Badbaadinayo ee Ka Furmay magaalada Hargeysa?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Siyaasiyiin miisaan culus, madax-dhaqmeed, Odayaal, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo kala jeeda Gobolada iyo caasimada Somaliland, ayaa maanta ka soo qayb galay kulan aqooneed lagaga doodaayey qaab dhismeedka Ibo furka dhidibada loogu tagaayo Urur siyaasadeedka cusub ee Rejo, isla markaana wajiga kowaad ee loogu sii gogol xadhaayo wan-qalka shirka ugu weyn ee lagu shaacinaayo daahfurka urur-siyaasadeed Rejo, oo ka dhacay huteelka sky ee maagalada Hargeysa, ayaa waxa halkaa maanta dood cilmiyeed kala duwan ka jeediyey aqoon yahan tiro badan oo ka kala yimi deegaanada kala duwan ee Somaliland iyo qurba-jooga soomaaliland ee dalalka reer galbeedka, waxa dood cilmiyeedkaasi ku qotontay, habka ay u dhisan yihiin saddexda xisbi ee UCID, WADDANI iyo Kulmmiye, iyo habka qaab dhismeed xisbi siyaasadeed loo baahan yahay in hogaaminta siyaasadeed noocee ah ayaa la doonayaa in dimuqoraadiyad ahaan matelikara shacabka Somaliland.

 

Siyaasi Cabdillaahi Hadab, ayaa maanta furay shirka aqoonyahanka la isugu keenay inay ka muraasha-qoodaan keenaana siddii loo sameyn lahaa xisbi dhamaan shacabka Somaliland meelkasta oo dunida ka joogaan iskaga dhex arkikaraan in habka dariiqaas lagu sameyn karo ama lagu abuurikaro soo diyaariyaan ka hor shir-weynaha loogu wan-qalaayo Ururka Rejo ayuu Cabddilaahi Dahab oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinac yo badan ku amray aqoonyahankii iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee loo soo xilsaaray dhismaha xisbi la wada-leeyahay ayaa kula dardaarmay in masuuliyadaas la saaray ee mustaqbalka shacabka iyo dalka Somaliland inay  cilimigooda iyo rejada mustaq-balka umaddooda natiijo ay ku farxaan keenaan.isla markaana Cabdillaahi dahab,ayaa hadal dardaarankiisii wax aka mid ahaa waxa la joogaa wakhtigii shacabkan daalan ee Somaliland, gaajada, haraadka biyo, la’aanta,macluusha, iyo duruufaha dhaqaale ee haysta boqolaal ka mid ah dhalinyaradiinii, mustaqbalkii iyo ubaxii dalkani lahaa,waa sababta maanta aanu halkan isugi kiin keenay,inaad ka soo talisaan badbaadada carrurtiina, ubadkeena iyo jiilashii inamo iyo hablaba ee barito dalkan hogaamin lahaa lagu badbaadiyo noloshooda iyo mustaqbalkooda in aad keentaan oo ururka rejo uu noqdo kii sabata-bixin lahaa ubaxii iyo mustaqbalkii Somaliland, sida ugu dhaqsaha geediga halkii lagu furilahaa mid taladii iyo maskaxdii aqoonhankiinan wiilal iyo gabdhaba ayaanu doonaynaa inay keenaan ayuu faray Cabdillaahi Dahab. Halkan ka daawo khudbadii uu maanta ka jeediyey shirkii aqoonyahanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here