Akhriso:-Mareeyaha Dekedaha dawladda Somaliland Ayaa Talaabo Faa,iido Weyn u Ah Shaqaalaha Dekedda Magaalada Berbera Ka Dal-bay Dawladda Dalka Norway

0
419
EMial:-baraarugnews@gmail.com Or caarshe7@hotmail.com
EMial:-baraarugnews@gmail.com Or caarshe7@hotmail.com

Berbera,(Baraarugnewsnet)-Mareeyaha dekedaha Dawladda Somaliland, Siciid Xassan Cabdillaahi, ayaa maanta qaabilay wefti ka socda dalka Norway oo socdaal ku tegay Dekeda Magaalada Berbera ee magaalo madaxda Gobolka Saaxil.Isla markaa Mareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa faahfaahin iyo macluumaad ka siiyey weftiga Norway horumarka iyo casriyeynta guulaha sannadihii ugu dambeeyay eek u talaabsatey Dekeda Magaalada Berbera.
Mareeya Siciid Xassan, ayaa ka hadlay intii uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi joogtay xukuumaddiisu horumarka u qabsoomay iyo balaadhinta Dekeda magaalada Berbera.”Waxa aannu ku qaabilnay Dekedda Berbera. wefti ka socda Safaaradda Dalka Norway ku leeyahay dalka Kiiniya. Weftigan oo uu hoggaaminaayay Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta Safaaradda Norway Mr. Erling Hess Johnsen. Waxaanu ka wada-hadalnay arrimo la xidhiidha iskaashi dhex-mara Dekedaha Dalka Norway iyo Dekedda Berbera ee dalka Somaliland. Si gaar ah waxaanu way-diisanay inay innaga taageeraan Tababarka Shaqaalaha Dekedda Berbera si xirfadooda aqoonneed kor loogu qaado,”Ayuu Yidhi Mareeyaha Dekedaha dalka Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi.
EMial:-baraarugnews@gmail.com Or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here