Xog Sir Ah÷ Akedemiyadda Nabadu Ma Waxay Noqotey Shirkad Ganacsi?

0
121

Akedemiyadda Nabadu Ma Waxay Noqotey Shirkad Ganacsi?

Maaha Shaqadeedu Worldremit Iyo Zaadka Telesom.Muxuu Wax uga Qaban Waayey khilaafka Waddañka Ragasdiyey ee Muuse Biixi,Faysal iyo Cirro?

Hargeysa,(BaraarugTv.com) Akademiyadda Nabada Somaliland,ayaa wadda abaabul ah in ay  qabato dood ku saabsan lacagaha dhex-mara moobilka gacanta lagu qaato ee Saadka shirkadda Telesom iyo (Zaad Money Telesom).iyaddoo macmal ahaana dooda loogu soo darey,si loogu qurxiyo shirkadda Somtel ee Iidahab,(Eidahab somtel),laakiin hadafka ay u socdaan tahey  zaadka Shirkadda Telesom.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahey,kana ag-dhaw xafiiska Guddoomiyaha Akademiyadda Nabada Maxamed Faarax, ayaa u sheegay warbaahimaha BaraarTv,baraarugnews.net,Radio Baraarug, in Guddoomiyaha Akademiyada nabada Maxamed Faarax iyo xubno kale wadaan diyaarinta qaban-qaabada qorshe ah inay qabtaan dood la xidhiidha lacagta laanta ah ee shilinka somaliland ee dhex-mara moobilada dad weynuhu is-ticmalaan ee Zaadka shirkadda Telesom,Isla markaana waxa la sheegay in arrinta dooda akademiyada nabadu ay abaabulayso uu ka dambeeyo mulkiilaha shirkadda Worldremit Dr. Ismaaciil Axmed oo isagu soo dhex-maray Akademiyada nabada.kaasoo dano isaga u gaar ah dagaal ku haya saadka shirkadda Telesom,u soo isticmalaaya akademiyada nabada somaliland,si uu  u abuuro khilaaf weyn oo indhaha dawladda Madaxweyne Muuse Biixi iyo shacabka reer somaliland ugu soo jeediyo Zaadka shirkadda Telesom.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ismaaciil Axmed Worldremit uu khadka isgaadhsiinta ee Telgram-kiisa uu ka soo garacay  Warihii hore ee idaacadda BBC-da  qaybteeda afsoomaaliga uga warami-jiray magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige,ka dib uu kala hadlay Zaadka shirkadda Telesom,isagoo ku qanciyey Ismaaciil Axmed arragti ah in Akademiyada nabada somaliland soo  diyaariso dood ku salaysan,halista dhaqaale iyo midda sumcadeed  gaadhsiin karto dalka somaliland lacagaha saadka la isugu diro iyo khasaaraha ku hayo dhaqaalaha lacagta shilin somaliland ee bulshadu iskugu diraan moobiladda ee Zaadka shirkadda Telesom. Ilo-wareedyada ayaa tibaaxey in Axmed Siciid Cige ka shaqeeyay isku xidhka Guddoomiyaha Maxamed Faarax iyo Ismaaciil Axmed Worldremit.Isla markaana xubnaha qayb ka noqon doona dooda akademiyada nabada loo soo xulayo shakhsiyaad bulshada loogu sheegayo dad dhaqaalaha aqoon u leh,qaar matelaaya dawladda iyo xubno is-kugu jiridoona dad ka socda jaamacadaha magaa  iyo qaar ka socda dhanka bulshada oo afkooda ku hadlidoona, haddii ay u suurta gasho  dooda uu dabada ka riixayo Ismaaciil Axmed Worldremit. Iyadoo ujeedada ku qarsoon dooda ee dhabta ah,waxa lagu sheegay,in indhaha shacabka iyo dawladda Somaliland loogu soo jeedin lahaa Saadka ((Zaadka Money Telesom),shirkadda Telesom.

Xogaha ayaa hoosta ka xariiqay in uu daaha dibaddiisa ka maamulayo dooda uu wado Guddoomiyaha akademiyada Maxamed Faarax Mulkiilaha Worldremit Ismaaciil Ahmed oo dagaal ku haya shirkadda Telesom Zaadkeeda,ayna qayb ka yihiin abaabulka dooda ha,yaddo kale oo ay ka mid tahey Sonsaf.

Geesta kale,waxa la sheegay in Ismaaciil Axmed Worldremit uu u gudbiyey macluumaad siro ku saabsan Zaadka shirkadda telesom,isla markaana waxay tilmaameen in borobogaadho iyo dacaayado la doonayo laga faafiyo shirkadda telesom sumcadeed la doonayo in lagu waxyeeleeyo. shirqoolka dagaalka qarsoon ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo ganacsiga telesom ee akademiyada nabada la doonayo in la soo dhex-maro,haddii doodaasi hirgasho waxyaabaha been abuurka ah ee ku jira dooda mala-awaalka ah indho-sarcaad lagu khaldaayo shacabka waxa ka mid ah in dadka dhaqaalaha hantidooda dhigta saad akoonkooda telesom loo sheego war been abuur ah oo ku saabsan in aaney jirin cid loo raaco hantida la dhigto ama qof ku magacaaban  mulkiliyada Zaadka shirkadda Telesom.Balse xogahaa ayaa tilmaamey in masuuluyiinta shirkadda  telesom la gudboon tahey inay arragti fog ku eegan dooda ay wado akademiyada nabada somaliland,ujeedooyinka ku hoos jira iyo waxyaabaha lala maagan yahey ee shirqoolada loo maleegayo shirkadda Telesom kuwaas oo doonaaya inay macluumaad ka dhan aj shirkadda la wadaagan sirdoonka reer galbeedka iyo dawladaha waa weyn mukhadaraadkooda.

Dhanka kale,Guddoomiyaha akademiyada Maxamed faarax iyo Axmed Siciid Cige oo aanu kula xidhiidhnay telifoonka gacanta,si aanu wax uga waydiino arrintan dooda,nasiib daro noomay suurta galin inaanu helno  telifoonadoodii gacanta oo aan la heli-kareyn.

S-kastaba ahaate,Guddoomiyaha akademiyada nabada Maxmed Faarax waxa u taala innuu wax ka qabto khilaafka muddo dheeraadey ee ka dhex-taagan xisbiyada mucaaridka UCID faysal Cali Waraabe,Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Kulmiye Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here