“Darawal Ma Quud Madhan Qoryo u Guro-baa,Mise Beeshii Arab Quful-baa kaga Xidhmay Albaabkii Gogasha Shirka Maanta Lagu Go,aaminayo Taladii Iyo Masiirkii Beesha Isaaq Ee Somaliland.?

0
440

Hargeysa,(baraarugnews.net)-“War-murtiyeed Ururada Siyaasada ee Is Diwaangaliyay waxa halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban maxamuud adan mar hadii muramadii Sharciyeed ee Labada Xisbi Ku meelgaadh ku soo celiyay Haya,adahii Dastuuriga ahaa,Islamarkaana ku Amray inay Saddexda Xisbi ku meel gaadh ku wada hadlaan Sharciyada, waxaanu Hambalyo iyo Bogaadin iyagana halkan uga diraynaa, Salaadiintii ay soo dhex geliyeen Labada Xisbi ku meel gaadh kuna marin habaabiyeen muranada Sharciyeed, ee iyaguna garawsaday,in arintani tahay arin Sharci, ayna ka gar niqi kaaraan Haya,adaha Sharcigu isla markaan ku wareejiyay, madaama oo Salaadiintu ay ka gar niqi karaan oo kaliy arimaha Dhaqanka.
Waxaanu u soo jeedinaynaa Saddexda Xisbi ku meel gaadh iyana sida uu ku Amry Guddoomiyaha Golaha Guurrtidu inay muranka Sharciyeed ku dhamaystiraan Haya,adaha sharciga sida ugu dhaqso badan.
ILLahay baa mahad leh.”sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay urur horseed lagu sheegay innuu furtay Darawal oo nuqul ka mid ah soo gaadhay iimeelka wararka ee warbaahinta Baraarugnews net xafiiskeeda magaalada Hargeysa. Haddaba Cabdillaahi Darawal qoraalka uu ku hadlayey afka Urur lagu magacaabo Horseed oo uu gadhwadeen ka yahey Cabdillaahi Darawal,war-murtiyeedka qoraalka darawal ayaa muujinaaya in xaalada uu kaga hadlayo warmurtiyeedka,ayaa cadaynaaya in qardo jeex iyo gidaar uu hirdin la dhacayo Darawal.balse Darawal oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Arab,qoraalkiisan ayaa u dhacaaya macno ahaan ama muujinaaya in beesha Arab ay ku dhacday jaho wareer iyo madax xanuun dhanka ay u socoto jahada siyaasada somaliland. Hase yeeshee,Darawal ka hadalka dhex-dhexaadinta ay ka wadaan Salaadiinta,culumada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan xisbiyada mucaaridka ee Waddani,UCID iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi war-murtiyeedka uu soo saarey Darawal oo magac iyo astaanta uu sito ee Horseed ma quud madhan qoryo guro-baa,mise Beeshii Arab madaxu ka xanuunay qufulka kaga dhacay gogasha maanta lagu go,aaminayo taladii iyo masiirkii beesha Isaaq ee Somaliland.?
Emial÷baraarugnews@gmail.net or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here