u-jeeddada÷Muxuu Daarnaa Kulankii Maanta Ku-dhex-maray Hogaanka Xisbi-xaakimka Kulmiye Iyo Guddida Diwaan-galinta Ururadda Siyaasadda Ee magaaladda Hargeysa?

0
431

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbi-xaakimka xukuumadda talada haysa Somaliland ee Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Cabdi Dheere,ayaa fahfaahin ka bixiyey kulan maanta dhex-maray Guddida diwaan-galinta ururadda siyaasadda Somaliland. Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere,ayaa ka warbixiyey u-jeeddada kulanka dhexmarey uu la qaatey xubnaha Guddida Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta qaranka
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere),isla markaana Guddoomiye Acmef Cabdi Dheere waxa kulankaas ku wahelinayey xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE oo qayb ka ahaa kulanka guddida diiwaangelinta ururrada iyo Ansixinta Asxaabta qaranka.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbi-xaskimka ee Kulmiye,ayaa markii kulanka dhexmarey Gudfida diwaan-galinta Ururada warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga kulmiye,ayaa sheegay in ay ujeeddada kulanka xubnaha guddida diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta uu ahaa inay xisbi ahaan halkaas u tageen sidii ay xog buuxda uga heli lahaayeen waxyaabaha ay guddidu uga baahan tahay xisbigooda Kulmiye, maadaama dhawaan la geli doono tartarnkii ururrada lagu kala reebi lahaa,tasoo la doonayo inay ku kala bixi lahaayeen saddexda xisbi qaran ee dalka somaliland yeelan doono mustaqbalka. Halkan hoose ee warbaahinta Baraarugnews.net ka daawo muuqaalka warka Guddoomiye Axmed Cabdi-dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here