Farsamo-xumada xukuumadda Cirro oo soo dedejisay mucaaridad Xooggan Oo ay Waajahayso
Agaasimihii hore ee wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), ayaa sheegay in farsamo-xumada xukuumadda madaxweyne Cirro soo dedejisay Mucaaradad xooggan oo ay waajahayso iyadoo muddo afar bilood oo kaliya xilka haysay.
Siyaasi Mustafe Isse waxa uu sheegay in madaxweyne Cabdiraxman Cirro bilowgii dhismaha xukuumaddiisa qaatay siyaasad biyo qabow ku shubtay mucaaraddada taageerayaasha madaxweynihii hore isagoo u magacaabay xilalka ugu tanka weyn xukuumaddiisa, balse ay siyaasadiisaas fashiliyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa oo uu sheegay inay sabab u noqdaan mucaaradad wakhtigeedii ka soo hirmartay oo xukuumadda xisbiga Waddani kaga imanaya taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.
Siyaasi Mustafe Shiine ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Farsamo-xumada xukuumadda ayaa soo dedejisay mucaaridad la mid ah tii WADANI ee 2dii sano ee ugu danbeeyay.
Iyadoo la filaayay in taageerayaashii madaxweynihii hore ee Somaliland ay la iman doonaan mucaaridad la mid ah tii sanadihii danbe uu xisbiga Wadani dalka geliyay ee ku salaysnayd qabyaalada iyo kooxihii ka tanaasulay Somalilandnimada ama isku xidhay kursiga oo la fuulo iyo dalkoo la waayo, ayuu madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro soo dhisay xukuumad kuraasidii ugu mudnayd uu ku taxay deegaanka laga filaayay kacdoonka,taasi waxa ay mar keliya hoos u dhigtay xaraaradii taagnayd, waxana nafisay cid kasta oo lexojeclo ka lahyd dalkan oo aan jeclayn in marnaba mucaaridnimada la gaadhsiiyo halkii uu kursiga ku tegay xisbiga maanta talada dalka haya.
Wanaaga farsamada ku dhisan ee madaxweynaha cusubi ku talaabsaday waxa meel cidla ah soo joojiyay hadalo aan nuxur badan lahayn oo ka soo burqanaayay xubno ka mid ah xukuumadiisa oo uu ugu horeeyo wasiirkiisa madaxtooyadda kuwaasi oo waxqabad kasta ama faan walba oo ka imanaayay ku sameynaayay is barbardhig ku aadan madaxweynihii sida wanaagsan xilka u wareejiyay iyo tiiyoo la beegsaday shaqaale hoosaad ka soo jeeda deegaanka maanta aan ka hadlaayo.
Boqridii suldaanka Sabayste lagu xoqaayay ayaana mar kale dib u soo nooleysay dabkii uu baqtiiyay qalinka madaxweyne Ciro, taasi oo maanta Suldaan Sabayste ka dhigtay inuu galo kaalintii Cadegude uu WADANI ugu jiray.
Si kaataba xaalku ha ahaadee waxa maanta muuqata in mucaaridnimadii ay farsamoxumada xukuumadda qaar soo dedejinayso mucaaridad adag oon dalkan u wanaagsanayn”.
@followers