Xildhibaanadii Ugu Tiradda Badnaa Oo Iska Casilay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye

0
17

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Xisbiga Waddani oo caawa soo dhaweeyay xildhibaanadii Ugu badnaa Oo Kulmiye iska Casilay Kuna Biiray xisbiga waddani.

Xildhibaanada iska casilay kulmiye ayaa is kugu jira Golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilad Somaliland waxaana hogaaminaya maayar ku xigeenkii magaalada burco.

Waxaa si rasmiya caawa ugu biiray xisbiga WADDANI xildhibaano oo uu hogaaminayo Maayir ku xigeenkii hore oo degmadda Burco Dr. Mukhtar Cabdi Baarare Xildhibaan Eng Saleeban Axmed Carab oo ka tirsan Golaha Wakiilada JSL iyo Xildhibaan Khalid Hassan X . Diiriye oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco .

Xildhibaanadan ahaa dhamaantood ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye , waxaana ay caawa si rasmi ah ugu biireen xisbiga WADDANI .

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa si wada jir ah u qaabilay Xildhibaanadan isla markaana uga mahad celiyey inay ku soo biraan xisbiga wakhti aad loogu baahanyahay cududooda iyo garab istagooda xisbiga.