- Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland Ma Yaqaanaan Waxay Shaqadoodu Tahey?
Hargeysa (Baraarugtv com)-Waxaan daawadey Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka somaliland Oo ku fanaaya innuu qandaraas uu dawladda Ka helay.madaama uu qdeerkii Madaxweynaha yahey.baarlamaankan Oo ah ha,yad madaxbannaan Oo ah tiirka u qaabilsan Qaranka jeek aan baalasi. Waana ha, yadda Qaranka u qaabilsan ilaalinta iyo dabagalka hantida shacabka iyo xaquuqda shacabka.waa ha,yad ku dhisan matelaad shacab.ha,yadda xakameysa awooda xad-dhaafka ah ee waaxdq fulinta,sidaa daraadeed Xildhibaan Ka ah xubin Baarlamaanka ah,Waxay tahey innuu fahmo innuu ku yimi rabitaan shacab.masuuliyadda saaran Waxay tahey innuu fahmo shaqadiisu Waxay tahey. Maaha innuu Dan gaar ah u isticmaalo ama u adeegsado Dan iyo arrimo naftiisa ah xilkii Xildhibaan-nimo.waxa madnuuc ah cashiurta Dadka shacabka ah Laga ururiyo in cid gaar ah Lagu naasnuujiyo Oo jeebka loo geliyo cashuurtii ummadda.
Dawladnimadu waa heshiis bulsho. In lacagta aan shaqaystey dhididkay ah ee ,xoolaheyga in aan qasnada dawladda ku shubo Waxay ku timi Oo waajib igaga Dhigay,waa heshiis bulsho Oo ay wada-galeen muwaadinka iyo dawladda.lacagtaa waxaan ku bixinayaa in wixii aan isku og-nahey in dawladu ku bixiso.waana adeega danta bulshada.siddaa SI Ka duwan in loo isticmaalo Waxay jabibaysaa heshiiskii muwaadinka iyo dawladdu.
Waxaan aad uga xumay In aaney shacabku fahsaneyn Waxay xaq ugu leeyihiin dawladda iyo waxaaney xaq ugu laheyn dawladda Somaliland.