“Xeerka Aqoonsiga Somaliland eeHoryaala Guddida Arrimaha Dibadda Kongareeska Maraykanka”

0
25
Maxamed Cali Xirsi (Obama)

Hargeysa(Baraarugtv.com)-“Madasha Indheeradka Somaliland ayaa warqad furan oo ay maanta ku direen Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka, waxa ay ku bogaadeen xeerka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu soo hindisay, kaasi oo hadda horyaala Guddida Arrimaha Dibadda Kongareeska Maraykanka.Warqaddan furan ee ay Madasha Indheeradka Somaliland u direen Xildhibaankan, waxay ku bogaadiyeen dedaaladiisa uu ugu jiro sidii ay dawladda Maraykanku dal madaxbannaan ugu aqoonsan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ku yaala bogcad istaraatiiji ah oo dunidu xiligan si weyn u wada danaynayso, waxaana warqadan ku saxeexan Guddoomiyaha Madasha Indheergaradka Somaliland Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama).Maxamed Cali Xirsi (Obama)