Xafiiskas dawlada Maraaykanku ka Furaneyso magaalada Hargeysa Ma Safaarada Muqdisho ayuu hoos tagaya?
US(Baraarugtv.com)-Xeerka cusub H.R.4779, ayaa ay ka mid yihiin qodobo si cad u kala saaraya macaamilka Maraykanka ee Somaliland iyo Soomaliya kuwaas oo noqonaaya talaaboyinka hor dhaca u ah Aqoonsiga Somaliland.
Maxay yihiin talaaboyinka hordhaca u ah Aqoonsiga Somaliland ee uu Maraykanku qaadayo?
1. Muwadiinta Maraykanka oo laga xayiray in ay Soomaliya u safraan ayaa loo fasaxaya inay Somaliland u safraan madaama ay tahay Dal amni ah.
2. Ganacsatada Maraykanka ayaa si toos ah loogu dhirgalinayaa inay Somaliland maalgashadan socdaalana ku tagaan iyagoo aan Muqdisho sii marayn.
Qodobkan waxa uu la mid yahay tusaale ahaan sida Imaaradka Carabtu Somaliland uu malgashaday iyagoo Muqdisho aan u soo marin in Shirkadaha Maraykankuna si toos ah Somaliland maalgashi ugu sameeyan iyaguna.
3. In Maraykanku xafiis dublamaasiyadeed ka furto Somaliland oo ay si toos ah ugu wada macaamilan labbada waddan.
Xafiiskasi ma Safarada Maraykanka ee Muqdisho ayuu hoos tagaya?
Maya, wuxuu toos u hoos tagi doona Wasaarada Arrimaha dibada Maraykanka si la mid ah , Xafiiska Imaaradka ee Somaliland oo aan hoos tagin Safaarada Muqdisho .
4. In la kala saaro si cadna loo qeexo Xayiraada dhanka safarka ee Soomaliya saaran iyo fasaxa muwaadinta iyo ganacsatada Maraykanku ee inay Somaliland tegi karaan.
Hadaba intanba waxay dhaawac iyo lafjab ku tahay maamulka Muqdisho oo Maraykanku si cad oo ficil ah ku muujinayo marka xeerkan la ansixiyo dhaqan galana in Somaliland iyo Soomaliya labba dal kala yihiin midna toos ula macaamilayo midna xayiraado uu saaray.
Somaliland Maxay ka faa’idaysa?
Somaliland waxay ka faa’idaysa xeerkan cusub inay Maraykanka macaamil toos ah wada yeeshan islamarkaana ka wada shaqeeyan shaqada halkani bar bilowga u tahay ee dhamaystirka Aqoonsiga Somaliland.
Qore 🖊️ : Weriye Luqmaan Maxamed Faarax .