Turkiga Iyo Imaaradka:- Laba Isku-cadow Ah,Balse Faa’iido U Ah Somaliland! WQ:-Caydaruus

0
28

Turkiga Iyo Imaaradka:- Laba Isku-cadow Ah,Balse Faa’iido U Ah Somaliland!

Hargeysa,(RSI)-Sanado fara-badan, dad badan Oo somaliland ku nool waxay aamisanaayeen mararka qaarna arkayeen Turkiga in uu yahay isbaahaysi muhiim u ah soomaaliya.isagoo xaalada adag Oo kala duwan Oo Soomaaliya Soo wajahey is barbar taagey. Sidaa darteed dad badan Oo Reer Somaliland ah ayaa Ka felceliyey kulankii danjiraha Turkiga iyo madaxweynaha somaliland Cabdiraxmaan Cirro.iyagoo Ka shakisan qorshaha Turkiga.
Way fiican tahey In su’aalo la iska waydiiyo Siyaadadda ha dalka somaliland Ka socda.
Aan Halkan kugu bidhaamiyo wacdiga ay dawladuhu kula dhaqmaan isku wadida danooyin isdiidan.
Somaliland maaha mid Turkigu ku qasbayo midnimo aoomaaliyeed, Balse somaliland waa mid Turkigu Ka dhex-arkay danihiisa is-taraajiyadeed.waxaanu garawsadey in somaliland tahey bog-cad aanu lumin-karin.
Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Somaliland lava jeer ku noqday Imaaradka Carabta.isagoo Sheegay in Imaaradku sii kordhinayo xidhiidhka somaliland.
Haddaba ma jirto wax inoo Diidaaya in somaliland wada maasho Turkiga iyo Imaaradka Carabta Oo ah laba dal Oo aad u kala fog dhanka siyaasada.
Turkigu isagoo gashaan buurta Naato Ka mid ah,uu haddaba uu yahey saaxiib aad ugu dhaw dalka Ruushka.waxa kale Oo aynu arragnaa Turkiga Oo fagaarayaasha caalamiga ahkula tartamaaya mararka qaar dagaalo aan toos aheyn ay isku wajahayaan Ruushka.sidda Dagaalkii Asarbijaan.
Kaasoo Ruushku tageerayey dhinaca Ka Soo horjeeda ama Armaynya.
Diblamaasiyadu maaha emotion Balse waa national interest.
Maddaama Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro yahey Diblamaasi ma isku lisi doonaa,mana kala lisi doonaa danaha dawladdaha Isdiidan?

Waxa qoray Cayduruus Axmed
Email mr.ayto123@gmail.com