“waxaan Maanta Go’aan-sadey Innaan Isu-casilo danta shacabkay-ga iyo dalkayga Somaliland.

0
323

Hargeysa (Red Sea Intelligence)-“Maanta Xilka laydhiibay waxaan ilahey Ka Baryayaa in ilahey nagu asturo.Waxaan dhamaan u balan qadayaa guud ahaan shacabka Reer Somaliland innaan Idinku maamulidoono xaqsoor iyo cadaalad.nidaamka bixinta qandaraas-yadu waxay noqon doontaa mid loo siman yahey epeul fiar) Oo loo siman yahey oo daah-furan,haddii alle Ka dhigo.”
Guddoomiyaha Guddiga qandaraasyada dawladda Somaliland Cabdoo Axmed Aayar,ayaa hadalkaa Ka Sheegay munaasibada uu Xilka kula wareegay Oo Ka Dhacday magaalada Hargeysa.

Gudoomiye Cabdoo Axmed Aayar wuxuu intaa ku darey in siyaasada iyo Istaraajiyad xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro,tahey hal-kudhiga ah erayga.”Midnimo iyo Wada-jir”
Geesta kale, haddii aynu dib-u-milicsano Guddoomiyaha immika loo dhiibay xilka Guddoomiyaha Guddiga qandaraasyada dawladda Somaliland Cabdoo Aayar,ayaa hore u ahaa Badhasaabkii ugu horeeyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo Alle ha u naxariistee u magacaabo Gobolka togdheer,intii aanu dhamaan muddo xileedkii xukuumaddii uu gadhwadeenka Ka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo Wuxuu u badelay mar kale Cabdoo Axmed Aayar Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.
Sidoo Kale,Wuxuu Ka mid ahaa bilowgii siyaasiyiintii aas-aasayaashii la taagey xisbiga kulmiye Axmed Siilaanyo.Balse Cabdoo Aayar Oo Ka mid ahaa xubin Golaha Dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa iska casilay xisbiga shirkii xisbiga kulmiye ee mar labad Madaxweynihii hore ee Muuse Biixi Cabdi loogu dooranayey jagada Madaxweyne-nimada Oo Ka dhacay magaalada Burco 29/8/2023-kii.

Cabdoo Axmed Aayar, Oo shir jaraa,I’d ku qabtay gudaha magaalada Burco,ayaa ku dhawaaqey is-casilaadiisa maalin Ka hor intii aan loo dooranayey Muuse Biixi Cabdi u tartamo mar labad loo cumaamado jagada kursiga madaxweynimada xisbiga kulmiye Oo shirkii huteelka Sitibalaasa ee Burco 20/8/223-kii.

Cabdoo Axmed Aayar Oo shirkaa Jaraa,id ku qabtay 19/8/2023-kii magaalada Burco, ayaa kaga hadley Dhinacyo Badan,madaama xilligaa ay ku jirtey Somaliland xaalad qalalaase siyaasadeed,mid abni-daro ah-ba.
Haddii aan in yar idinka xasuusiyo hadalkii maalintaa Cabdoo Axmed Aayar jeediyey waxaanuu yidhi”Waxaan Idin sheegaaya shacabka Reer Somaliland,gaar ahaan bulshada Gobolka togdheer ee magaalada Burco in shirka Ka socda huteelka Sitibalaasa ee Burco berito Lagu dooranayo Muuse Biixi.markaan arkey Waxa la wadaa inay tahey burburkii dalkiina Somaliland. Waxa la doonayaa in dagaal sukeeye Ka dhaco Oo la isku-kiin diro,nabadiina iyo horumarka haysataan Lagu ciyaaro.waxaan Maanta Go’aan-sadey Innaan Isu-casilo danta shacabkay-ga iyo dalkayga Somaliland.

awood,mid dhaqaale,mid tacab mid orod ayaa la isugu geeyay Muuse Biixi.waxa sababey innuu mar labad guul Gaadho xisbiga kulmiye Oo kursiga madaxweynimada ku fadhiisto.guush xisbiga ayaa gaadhey,laakiin Muuse maalintii uu arkay innuu helay ee kursiga uu ku fadhiistey, Muuse Biixi uma arrag guul xisbigu gaadhey. Wuxuu u arkay guul isagu gaadhey ayuu ku Soo koobey.dadkii lixda Gobol ee ugu waa Weyn Somaliland mid degmo iyo mid heer Gobol-ba kala shaqaynaysay ololihii doorashad, intuu isugu yeedhay halkuu u mahadcelin lahaa ayuu ku yidhi fartiina ayaad eedaysaan.fartaa la eeday mooyee intaa uu Xilka fadhiyey ma jirto’ wax qabad aheyn fartaa la eeday.mid islaam iyo mid gaal lama arrag qof dadkii guusha gaadhsiiyey ee la shaqaynayey abaalkoodii noqdo fartiina ayaad dhex-da Ka qaniinaysaan. Xisbigii maalin-ba maalinta Ka sii dambaysey uu sii laciifayey. raggii buddhiga u ahaa xisbiga ee aas-aasayaashii maalina mid-baa Ka dhaqaaqayey. xisbigii Maanta midhadhka ku hadhey xisbiga kulmiye in iyaguna jidka ku Soo jiraan. Waxaan leeyahey xisbiga naf Kuma hadhin halkii ugu dambay ayuu marayaa,waa dhuun yeedhis.maaha Dadka in garaadkiida lacaayo.bini,aadanka ilahey ku abuurey caqli iyo garaad Oo wax kala Garanaaya weeye.anigu talo ahaan waxaan ii muuqday Oo aan arkaa in Muuse Biixi ay u muuqato Oo uu arkayo dhalateed.laakiin waxaan leeyahey hortiisa ayey iman doontaa.”Haddalkaa ayaa Ka mid ahaa khudbadii maalintaas uu jeediyey Cabdoo Axmed Aayar Oo shir jaraa,I’d ku qabtay magaalada Burco bishii sideedaad ee 19/8/2023-kii.

Hase yeeshee,hadalkii iyo is-casilaadii maalintaa Cabdoo Axmed Aayar waxay Sababtey in Golihii Dhexe ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin isugu jiray xildhibaan, masuuliyiin xilal wasiiro ah ka Soo noqday xukuumaddihii xisbiga kulmiye iyo xubno tiro badan Oo Golaha Dhexe ahaa ayaa iswada casilay,Kuna dhawaaqey isbadel doonka xisbiga kulmiye,maalmo yar Ka dib.

xisbigii kulmiye ku hadhey Oo kaliya Muuse Biixi Cabdi,Maxamed Kaahin Axmed,Samaale,Cabdi Dheere iyo Xinif.Balse hadalkii Cabdoo Axmed Aayar Ka dhaqaajiyey jidka Muuse Biixi doonayo inuu hogaamiyo Dalka iyo Macluumaad i xogo siro siyaasadeed ee uu qarx ayaa  Sababey isbadel weyn Oo dhanka siyaasada Somaliland inay u liicdo a wooda taageerada shacabka xisbiga mucaaridka ahaa ee Waddani.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaanka xisbigiisa iyo guud ahaan Beeshiisa madaama loolanka doorashadii Ka socotey Somaliland u eekayd hab qabiil la isugu muuqday muxaafidkii kursiga ku fadhiyey Madaxweyne-nimada Somaliland Muuse Biixi iyo xisbiga talada haya immika ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Waddani.

Xigasho Red Sea Intelligence

Waxa qoray Suxufi Cabdifataax Ismaaciil caarshe