Wasiirul-dawlaha Arrimaha Golaha Wasiirrada dalka South Sudan,qarannimada Somaliland maaha sheegasho,

0
9

Wasiirul-dawlaha Arrimaha Golaha Wasiirrada dalka South Sudan, David Nyang, ayaa sheegay in qarannimada Somaliland aanay ahayn uun sheegasho, hase ahaatee ay tahay xaqiiqo jirta oo u baahan in aan indhaha laga qarsan.

David Nyang wuxuu ku dooday in samirka adag ee shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland uu sababay inay u adkaystaan in 34kii sanno ee la soo dhaafay ay dunidu iska indho-tiraysay Somaliland oo uu ka warramay xasiloonida, dawladnimada shaqeynaysa iyo nidaamka doorashooyinka Dimuqraaddiyadda ah ee ay tusaalaha ugu tahay dalalka la deriska ah iyo in badan oo mid ah dalalka Afrika.

Wasiirul-dawlaha golaha Wasiirradda ee South Sudan, wuxuu sidaas ku sheegay qormo uu ku baahiyay warbaahinta; oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu carrabka ku dhuftay in Somaliland aanay madaxbannaanidooda shaacin uun 1991kii, hase ahaatee ay ku tallaabsatay waxqabad weyn oo ay ku dhisatay dawlad shaqaynaysa iyo dib u heshiisiin cad oo ka hirgalay dalkeeda.

Waxa kaloo uu Somaliland ku sifeeyay mucjiso ay tahay in wax laga barto.

Wasiirul-dawle David Nyang wuxuu ka hadlay sida Somaliland ay u buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madaxbannaan sida dhul qeexan, shacab, dawlad shaqaynaysa oo awood u leh in ay la macaamisho dalal kale. Waxaanu xusay in dhammaan shuruudaha caalamiga ah ee dal lagu aqoonsado ay buuxisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo lalena wuxuu intaas raaciyay in midowga Afrika iyo beesha caalamku ay iska indhotirayaan xaqiiqo jirta iyo Somaliland oo ah dal guulaystay oo gacmahooda ku dhistay nabadgelyo iyo dawladnimo.

David Nyang wuxuu caddeeyay in Aqoonsigu aanu ahayn kaliya kursi ku yeelashada Qarammada Midoobay, balse uu la xidhiidho helitaanka deeqaha horumarineed. Wuxuunu qiray in Somaliland ay ka xasilloon tahay, kana dimuqraaddisan tahay dalal badan oo la aqoonsan yahay oo jaarkeeda ka mid ah.