South Africa(RSI TV)-Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo si rasmi ah uga furmay magaalada London, isagoo hoggaaminaya wafdi matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ka qayb-galka Wasiirka ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay ajandayaasha badeed ee caalamiga ah, xoojinta mowqifka dowladda ee amniga iyo maamulka badaha, iyo dhiirrigelinta casriyeynta nidaamka gaadiidka badda iyo kaabeyaasha dekedaha dalka.

Geesta Kale,dawladda Soomaaliya,ayaa wada qorshe ah in ay la wareegto gacan ku haynta maraaliibta ganacsiga ee ku soo xidha Dekedda Berbera ee Somaliland.Isla markaana waxa la sheegay in mareeyihii dawladdii hore ee madaxweyne Muuse Biixi hore uga qayb-gali jirtay shirkan oo kale.Balse Mareeyaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u magacaabey Cali Diiriye uu yahey shaqsi aan aqoon iyo khimrad u laheyn arrimaha dekeddaha iyo xidhiidh dawladdaha caalamka,laakiin Cali yare uu ahaa macalin bareefadada iyo dugsiyada hoose dhigi jiray magaalada Hargeysa.
Office email Caraarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com



