Warqad qoraal ku socota Mudane Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro./Qallinkii: Prof: Cabdiraxmaan Cumar Abdi.

0
22

Warqad qoraal ku socota Mudane Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro./Qallinkii: Prof: Cabdiraxmaan Cumar Abdi.

Hargeysa(Baraarugtv.com)-Madaamma oo Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xassan Cabdillaahi Xil-gudasho, Karti iyo Shaqo wanaag Muujiyey muddadii uu xilka hayey aynu qiimayno.

Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi oo ah nin aqoonyahan ah, oo mudo soo maamulayey Dekedda Berbera wuxuu gaadhsiiyey Dekedda heer sare, wuxuu sare u qaaday xidhiidhka Hay’addaha Dekedaha aduunka iyo Dekedda Berbera y la leedahay. Shaqo badan oo uu geliyey Dekedda Caalamiga ah ee Berbera iyo wadda shaqenta is-fahamka iyo aqoonta ku dhisan ee uu la leeyahay Shirkadda DPWORLD waxay gaadhay Dekedda Berbera indhaha caalamka oo dhan soo jiidata.

Mudane Madaxweyne toodbaadadii la soo dhaafay waxa warbaahinta abaabul xil doon ka waday rag doonaya kursiga Maareeyaha Dekedda Berbera, kuwaas oo marka la barbar dhigo khibradda iyo waayo’aragnimadda Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi aan gaadhi Karin, shaqadda culus ee Dekedda Berberana aan ka soo bixi Karin, isla markaanna xidhiidhka Hay’addaha iyo shirkadaha shisheeyaha aan la jaan-qaadi-kareyn. Sidaa awgeed mudane Madaxweyne Maareeye Siciid Xassan Cabdilaahi waa nin shaqadda Dekedda lagu aamini karo eek u abaal marin shaqo wanaagga uu la yimid.

Geesta kale, Mudane Madaxweyne…Maareeye Siciid Xassan Cabdilaahi waa nin dadka deegaanka Gobolka Saaxil ka haysta taageero mugle iyo kalsooni badan, waxayna la shaqeeyaan Maareeye Siciid Xassan Cabdilaahi, arrimahaas oo dhan marka la isku geeyo waxaan ka codsan lahaa inaad xilkisii Maareeyenimo ku abaal-marisid si uu qaranka ugu sii shaqeeyo. Madaamma oo Dekeedda weyn ee Caalamiga ah ee Berberi ay tahay goob xaasxaasi ah oo Somaliland oo dhan ay u tahay Muraayadda dhaqaalaha dalka iyo Sumcaddeenna, taas oo sababtay in beesha caalamku ay soo jiidatay Dekedda Berberi aqoonsiga Somaliland iyo maalgashiganna ay qayb- laxaad leh ka qaadanayso.

Ugu danbeyn waxaan raejynayaa in farrintani ay gaadhi doonto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ay talo soo jeedintani noqon doonta mid ku saleysan taabeeradda aan u hayo Dawladda Cusub ee uu hoggaaminayo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo tacabkii badnaa ee aannu soo gelinay is-bedelkii dalka ka dhacay oo ahaa mid la mahadiyey, fariinta sarena ay ka mid tahay lexejecladda iga haysa guusha xukuumadda Cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Mudane Madaxweyne Shaqadiisa wanaagsan ha il-duufin.
Qallinkii: Prof: Cabdiraxmaan Cumar Abdi

  • Email:abdi2007@hotmail.com