Warbaahinta Raashiya oo daboolka ka qaadey qorshe ay doonayso dawladda Maraykanku ku Ictiraafiso Somaliland
Russia,(Baraarugtv.com)-warrantay Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Ruushka ee Russia Today, Somaliland ayaa doonaysa in Maraykanku uu soo saaro shidaalka ku jira xeebaha iyo dhulka gudaha ee Somaliland kaas oo la doonayo in hawshiisa la galo sannadka soo socda ee 2026-ka.
RT ayaa xustay in ay Somaliland tan uga gol leedahay si ay Maraykanka uga hesho aqoonsi Caalami ah.
Wada hadallo arrinkan ku wajahan ayaa la soo werinayaa in uu dhex maray labada dhinac iyada oo sidoo kale la filayo in madaxweyne Cirro uu safar ku tago waddanka Maraykanka.
Tan ayaa ka dhigan in Somaliland ku dhaqmayso siyaasadda madaxweyne Trump ee ku salaysan in Maraykanku uu la macaamilo dalalka diyaarka u ah in ay wax ku beddeshaan macdanaha, shidaalka iyo kharyaadkooda dabiiciga ah.