War degdeg ah÷Wasiir Maxamed Kaahin oo Xaalad Caafimaad Loola Carrarey Cisbitaalka Magaalada Burco

0
101

Burco,(Baraarugtv.com)-Wasiir arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo Xanuun Caafimaad loola Carrarey Cisbitaalka Magaalada Burc ee Gobolka Togdheer.Isla markaana Maxamed Kaahin Axmed oo shaley socdaal ku tagey magaalada Burco, ayaa la sheegay innuu daarnaa siddii loo joojin lahaa shirkii beelaha Garxajis iyo Habarjeclo ku dhex-maraayey magaalada Ceel’afweyn.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Maxamed Kaahin Axmed in go’aankii beesha Habarjeclo ay kaga dhawaaqday Ceel’afweyn ee ahaa in wixii maanta ka dambeeya shacabka Habarjeclo codkooda siinayaan murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga Waddani Dr.Cabdiraxmaan Maxaned Cabdilaahi cirro ee doorashada dhacaysa 13ka November ee 2024ka.

Askari ka tirsan ilaalada wasiir Maxamed Kaahin Axmed,kana soo jeeda beesha Habarjeclo oo ka gaabsadey magaciisa sababa la xidhiidha in warkan saameyn ku yeesho shaqadiisa,ayaa u sheegay warbaahinta Baraarugtv.com in macaan,dhikir iyo wadno xanuun uu lahaa Wasiir Maxamed Kaahin aad ugu kacay,ka dib markii uu aad uga xanaaqay go,aankii madax-dhaqmeedka Beesha Habarjeclo kaga dhawaaqeen ceelafweyn inay ku taageereen Murashaxa Madaxweynaha iyo kuxigeenka xisbiga Waddani Cabdiraxmaan cirro iyo Maxamed Cali.

Askarigan ka tirsan ilaala Wasiir Maxamed Kaahin,ayaa sheegay in macaanka ku kacay Wasiirka uu galey xaalad halis ah,loona geeyay cisbitaalka magaalada Burco,isagoo go,aanka ku dhawaaqeen beelaha Habarjeclo iyo Garxajis ay ku dhawaaqeen in Madaxweynaha cusub ee 13ka November 2024ka uu yahey Cabdiraxmaan Cirro uu aad uga cadhooday Wasiir Maxamed Kaahin.

Hase yeeshee,Wasiir Maxamed Kaahin,ayaa la sheegay in dhakhaatiir gaar ah oo laga soo raaciyey Cisbitaalka Burco Wasiirka kula  tacaalayaan  xaalada caafimaadkiisa gurigii aabihii oo ku yaal xaafada Ududebay ee magaalada Burco.

Emial÷ caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com