“Waa taariikh Somaliland,cidna la wadaagin oo ay gaar u leedahay oo ku timid halgan dheer oo…”

0
17

Hargeysa (Baraarugtv.com)-Madaxwaynihii Hore Muuse Biixi Hambalyo Xuska Sannad-guurada 65-aad ee 26-ka June 1960-kii

Waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirayaa dhammaan shacabka JSL, meel kasta oo ay kala joogaanba, munaasibadda qiimaha leh ee 26-ka June 1960-kii, oo ah sannad-guuradda 65-aad ee ka soo wareegtay maalintii aynu xorriyadda ka qaadanay gumeystihii Ingiriiska.

Waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah dhul Soomaali leedahay halkii ugu horeysay ee xornimadeeda iyo gobonnimadeeda ka qaadata gumeystihii reer Yurub. Waa taariikh JSL cidna la wadaagin oo ay gaar u leedahay oo ku timid halgan dheer oo shacabka JSL ee xilligaa noolaa u galeen in ay helaan calankooda iyo gobonnimada dhulkooda.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu innagu simo innaga oo gaadhnay hadafyada waaweyn ee aynu leenahay, Qarankeena JSL-na ka mid noqdo Qarammada adduunka ee xorta ah ee ku naaloonaya nabad iyo badhaadhe adduun oo is-gaadhsiisan.