
U-jeeddada:-Muxuu Daarnaa Weftiga Dawladda Dalka Sierra-Leon Ee Maanta Socdaalka Ku Yimi Somaliland?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda H. Maaliyadda JSL, ayaa ku soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee caasimada Somaliland Cigaal International Airport, wefti heer caalami ah oo ka socday dalka Sierra-Leon oo ka mid ah dalalka ku yaal galbeedka Afrika,ayaa maanta socdaal ku yimi dalka Somaliland.

Weftiga ka socday dalka Sierra-Leon, ayaa ka koobnaa saddex iyo toban xubnood (13 xubnood),Isla markaana waxa weftiga dalka Sierra-Leon hogaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada dawladda Sierra-Leon Md. Samuel E. B. Momoh,kuwaasoo ka kooban qaybaha kala duwan ee wasaaradda maaliyada dawladda dalka Sierra-Leon.
Weftiga ka socda dawladda dalka Sierra-Leon , ayaa Ujeedada safarkoodu daaran yahay,siddii ay wax uga baran lahaayeen adeegsiga hanaanka Maaraynta Maamulka Maaliyadda ee IFMIS-ka,Isla markaana marshuucaas oo dalka Somaliland siwanaag uga dhaqan oo dhamaan Ha’yaddaha Dawladdu u adeegsadaan bixinta kharashka iyo xarayta dakhligaba.
Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com