Somaliland:-Khataraha Furfurka …..Abniga….”

0
43
Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 32-aad waxa ka mid ahaa:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab.

.Waxa ka war bixiyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

. :Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo uu u wakiishay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.

Waxa ka war bixiyey Wasiirk-ku-xigeenka Mudane Axmed Cumar X. Cabdilaahi.

. .Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Axmed Jaamac Barre

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

. Waxa ka war bixiyey Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab)

Waxa si qoto dheer uga dooday Golaha Wasiirrada ee Jamhuuriyadda Somaliland waxana Ansixinta Xeerka Goluhu uu u ballamay fadhiga dambe.

Gababadii Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bogaadiyey 3 Wasaaradood oo maanta soo gudbiyey wax-qabadkoodii 6-dii bilood ee ina dhaafay, kuwaasi oo kala ah:

1. Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska,

2. Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka,

3. Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada.