Maraykanka in ay saldhig millatari ka samaystaan Somaliland.Sirdoonka Imaaradka Uu La..”

0
137

Somaliland,(Baraarugtv.com)-Laba il wareed oo laga helay diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in dawladdoodu ay ku boorisay Maraykanka inay saldhig millatari ka samaystaan Jamhuuriyadda Somaliland, ay kaalin uga qaataan ammaanka badda cas iyo qooriga gacanka cadmeed, taasi oo u baahan dhaqaale iyo diyaarado badan oo lagaga hawlgalo xaaladda ammaanka baddaha.

Wakaaladda wararka ee SOLNA ayaa soo xigatay warbixin ay qortay Warbaahinta
Sheba Intelligence oo laga leeyahay dalka UK, waxaanay werisay in Sheekh Tahnoon bin Zayed oo ah la taliyaha amniga iyo madaxa Hay’adda sirdoonka  Imaaraadka Carabtu uu la kulmay Jake Sullivan, oo ah la taliyaha ammaanka Qaranka Maraykanka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Maraykanka mar uu horaantii bishii June ee la soo dhaafay uu booqasho ku tagay Washington.Ilo- wareedyadaasi waxa ay xaqiijiyeen in weftiga Imaaraadku ay dawladda Maraykanka la soo qaadeen sidii ay saldhig millatari oo laga ilaaliyo ammaanka badda cas uu uga yagleelan lahaa JSL.

Warku wuxuu intaas ku daray in dalabka saldhiga ay Maraykanku wada hadal kala yeesheen masuuliyiinta Somaliland, iyadoo ay xidhiidhinayso dawladda Imaaraadka Carabta oo danaynaysa ammaanka baddaha iyo xakameynta budhcad baddeedka Soomaaliya.