Shirka Turkiga,Maqnaanshaha ay ka maqan tahay wuxuu mugdi gelinayaa sharciyada heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

0
192
Maqnaanshaha ay ka maqan tahay wuxuu mugdi gelinayaa sharciyada heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa,(Baraarugtv com)-“Shirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee lagaga hadlaayo heshiiskii isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya waa shir arrinta ka eegaya dhinaca sharciyada oo keliya. Arrinta haddii laga doonayo in wax macno lihi ka soo baxaan marna ma aha in Somaliland ay ka maqnaato shirka. Maqnaanshaha ay ka maqan tahay wuxuu mugdi gelinayaa sharciyada heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya wada galeen (MoU). Kaas oo haddii Somaliland aanay ka qayb gelin MoU-ga ka dhigi doona waxba kama jiraan.

Shirkani wuxuu u baahan yahay in laba dhinac laga eego dhinaca siyaasada iyo dhinaca sharciyada. Dhinaca Siyaasada (political prespective) iyo dhinaca waaqaca (practical prespective), oo labadadaba Somaliland ku fadhido, mar hadday tahay xukuumada ka talisa marinka badda cas ee Gacanka Cadan, marna maaha in ay shirkaa ka maqnaato.Maqnaanshaha ay ka maqan tahay wuxuu mugdi gelinayaa sharciyada heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Haddii dawlada Itoobiya iyo Turkigu ay shirka ka qayb gelin waayaan Somaliland. Oo arrinta ay ka eegaan oo keliya dhinaca haysashada sharciyada ee Soomaaliya haysto sharciga caalamiga, waxay ka dhigan tahay Faras gaadhigii uu jiidi lahaa laga horaysiiyey ama waxa la yidhaahdo (putting the cart before the horse) ama Faras madaxa laga kooreeyey.

Marka la is barbar dhigo haysashada sharciyada (De Jure Government) iyo haysashada awooda siyaasada iyo waaqaca ( de facto government) oo Soomaaliya haysato sharciyada, Somaliland-na haysato awooda maamulka iyo siyaasada. Wakhtiga dheer iyo wakhtiga dhow-ba waxa guusha u dhow dawlada dalka gacanta ku haysa siyaasiyan iyo waaqac-ba ee Somaliland, oo ay u badan tahay inay ku adkaato mustaqabalka wax kastaa ha ka soo baxeen shirka Turkiga e. Maaha mustaqbalka MoU-ga iminka laga hadlayo oo keliya ee waa mustaqbalka Somaliland iyo inay noqoto dawlad madaxbanaan.

 

Hase yeeshee, guusha dawlada Somaliland waxay ku xidhan tahay sida ay u midayso dadkeeda, dariiq siyaasi ah oo aan dhexdooda iska horkeenin ugu hagto. Haddii la doonayo in Somaliland lib ka keento mustaqbalka waa in hoggaanka dalka hayaa uu juhdi weyn ku bixiyaa sidii uu arrimaha guddaha ee dalka iyo xasiloonida dalka, iyo midnimada dadka uu wax walba uga horeysiin lahaa. Haddii taasi meesha ka baxdo, waxa soo baxaya meelo badan oo laga soo gali karo dalka iyo siyaasadiisa.

Madaxweynuhu safarkiisa ha ka eego dhinaca maslaxada guud ee dalka iyo jiritaankiisa, hana ku qanciyo beelaha dalka wada leh difaaca dalka, ee yaanu noqon nin Kulmiye u ceelalyo tegay.

Waxa xaqiiqo ah in tartanka siyaasada ee xisbiyada Somaliland dhexdooda hadda ka jiraa uu ka indho-tiray siyaasiyiinta sawirka guud ee qarannimada iyo ilaalinteeda. Sidii xukunka loo kala dhacsan lahaa ayaa lagu maqiiqan yahay ee sidii dalka loo ilaalin lahaa waa laga sii jeedaa. Haddii tartanka siyaasadu ka jeediyo xisbiyada arrinta guud ee qarannimada iyo ilaalinteeda waxay fursad siinayaan in ay nusqaamiyaan doorkii siyaasiga ahaa iyo awoodii Somaliland, iyada oo qolada sharciyada Soomaaliya haysataa ka faa íidaysan doonta kala qaybsannaantooda oo siin doonta godad ay ka soo galaan, si ay u xoojiyaan arrinta sharciyada ee awalba ay ku dagaalamayeen.

Haddii Itoobiya ay ku guuldaraysato in Somaliland ka maqnaato shirka Turkiga, arrintani waxay soo dedejisay dhimashada MoU-ga. Waxa u furan in ay Turkiga ku qanciso in aan Somaliland ka maqnaan shirka Turkiga. Dhimashada MoU-gu, iyo Somaliland oo laga qayb gelin waayo shirarka masiirkeeda lagaga hadlayaa, waxay Itoobiya iyo qayrkeedbauga dhigan tahay in ay ka quustaan badda cas oo ay nabadgelyo ku tagaan.

Waxa qoray Cabdi Abokor