Safarka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagayo Maraykanka &Muxuu Yahey Heshiiska Uu Khalinka ku duugi-doonaa

0
60

Safarka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagayo Maraykanka &Muxuu Yahey Heshiiska Uu Khalinka ku duugi-doonaa?

USA (Baraarugtv.com) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu dhawaan safar ugu baxo dalka Maraykanka.

Ma jiro war rasmiya oo Xukuumaddu ku caddaysay wakhtiga rasmiga ah ee uu Madaxweynuhu u ambo-baxayo Dalka Maraykanka, hase-yeeshee masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda oo la sheegay inay Madaxweynaha u sii gogol-xaadhayaan ayaa socdaal ku jooga Magaalada Washington D.C ee Caasimadda Maraykanka.

Masuuliyiinta ka midka ah Xukuumadda Somaliland ee safarka shaqo ku jooga Washington, ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Cabdillaahi Xasan Aadan iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dibedda Maxamed Xaaji.
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha dibedda Maxamed Xaaji oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Good, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ama Twitter-ka, ku sheegay in shaqada ay ka hayaan Washington ay hoosta ka xariiqayso xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka “Shaqadayada Washington DC waxay sii waddaa inay hoosta ka xariiqdo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan qiyamka la wadaago, xasilloonida, iyo danaha istiraatijiyadeed..”

Sidoo kale, Warar laga helay Magaalada Washington, ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyadda Cabdillaahi Xasan Aadan uu halkaa kulamo kula yeelanayo Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Maraykanka iyo baanka Adduunka, si ay uga wada-hadlaan taageerada dhaqaale ee ay Somaliland uga baahan tahay.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa Waraysi uu hore u siiyey Warbaahinta Ingiriiska, waxa ku sheegay inuu safar shaqo ku tagayo Maraykanka, si uu Maamulka Madaxweyne Trump ugu soo bandhigo heshiisyo aan shuruudi ku xidhnayn oo la xidhiidha ka faa’idaysiga khayraadka Macdanta ee dhulka Somaliland ceegaaga, taasi oo ay barbar socdaan wada-hadallo ku saabsan in Washington aqoonsi siiso
Somaliland, taa beddelkeedana uu Ciidamadiisa hawl-gallada Afrika (Africom) uu saldhig uga sameeyo Magaalada Berbera ee Somaliland, taasi oo ku taalla goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah ciidamada cirka iyo badda ee Maraykanka ee ku hawlan amniga marinnada badda cas ee ay xilligan dhibaatada amni-darro ka wadaan kooxda Iran taageerto ee Xuutiyiintu.

Arabsiyo News