Reer Somaliland-now Maxaa Innooga Meel Yaalla Duullaankaa Lagu Soo Qaaday Dalkeenna?

0
5

‘Reer Somaliland-now Maxaa Innooga Meel Yaalla Duullaankaa Lagu Soo Qaaday Dalkeenna?

Hargeysa (Baraarugtv.com)-
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay warqad ka soo baxday Wasaarada arrimaha gudaha Soomaliya waxaanu sheegay in duullaan lagu soo qaaday Qaranimada Somaliland loona baahan yahay in Reer Somaliland talo midaysan iskugu yimaadan oo arrimahas ku waajahan.

Faysal ayaa qoraal uu arrintas kaga hadlay oo uu ku baahiyay bartiisa “X” ee Twitter hore loo odhan jiray ku yidhi ; “Reer Somaliland-now maxaa inoo talo ah?

Waad arkaysaan oo waa taas loo badheedhay duminta Jamhuuriyadda Somaliland iyo in maamul-goboleedyo laga dhex sameeyo. Arrinkaasi waa duullaan qaawan oo lagu soo qaaday jiritaanka Somaliland, waxana qorshahaas dhagaraysan si qaawan iskaga kaashanaya maamulka fashilmay ee Muqdisho iyo dawlado shisheeye.

Sidoo kale, dagaalka siyaasadeed ee lagu soo qaaday dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa barbar socda oo aan mugdi ku jirin kii qoriga oo lagu doonayo in lagu qabsado qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Gobolka Sanaag.

“Haddaba, reer Somaliland-now maxaa innooga meel yaalla duullaankaas lagu soo qaaday dalkeenna?
Sidaa awgeed, waxa loo baahan yahay talo qaran iyo tab iyo xeelad midaysan oo si degdeg ah loogu wajaho halista badheedhka ee xaqiiqdeedu ina hortaal ee cadowga kala duwan ku soo qaadeen qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
Radio Baraarug.Com Warbaahinta Baraarugnews