“Haddalka Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,Waa Talaabo Adag .dhaqaalaha Itoobiya…”

0
175

Hargeysa,(Baraarugtv com)-Shirkadda Dahabshiil ayaa soo dhaweysay isbeddelka lagu sameeyay nidaamka sarifka lacagaha ee ku salaysan suuqa taasoo qayb ka ah dib-u-eegis ballaaran oo lagu sameeyay nidaamka sarifka lacagaha qalaad ee Itoobiya (FX). Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee shirkadda Dahabshiil, ayaa u dhignaa sidan;”Waxaan soo dhaweyneynaa hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ee ku saabsan doorka muhiimka ah ee ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo sicirka sarifka lacagaha ee suuqa ku saleysan. Tani waxay war wanaagsan u noqon doontaa macaamiisheena oo ay ku jiraan qurbo-joogta doonaysa inay lacag u soo xawilaan Itoobiya.kuwa wax dhoofiya iyo kuwa wax soo dejisaba.”

Hadalkan ayaa imanaya ka dib markii Baanka Qaranka Itoobiya (NBE) uu ku dhawaaqay in loo bedelay nidaamka sarifka lacagaha qalaad ee ku salaysan suuqa taasoo qayb ka ah dib u eegis weyn oo lagu samaynayo nidaamka sarifka lacagaha qalaad ee dalka (FX). Tallaabadan ayaa daba socota ku dhawaaqistii dowladda ee shalay ee ku saabsanaa barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha guud ee Itoobiya.Sida laga soo xigtay NBE, bangiyada hadda waxaa loo oggol yahay inay iibsadaan oo ay ku iibiyaan lacagaha qalaad macaamiishooda iyo dhexdooda iyaga oo si xor ah u wada xaajooda. Baanka Ganacsiga Itoobiya ayaa sheegay in wax lagu kala iibsanayo 74 iyo 76 Birr halkii USD, taasoo muujinaysa qiimo dhaca 30% maalin gudaheed.

Safaaradda Maraykanka ee Addis_Abeba ayaa faallo ka bixisay, “Hirgelinta nidaamka sarifka lacagaha qalaad ee ku salaysan suuqa waa tallaabo adag laakiin lagama maarmaan u ah wax ka qabashada arrimaha dhaqaalaha sare ee Itoobiya.” Waxay ku booriyeen, “Waxaan ku dhiirigelinaynaa dawladda inay la shaqeyso hay’adaha horumarinta si loo hirgeliyo dib-u-habayntan.”