Qaabkii maanta wax uga dhaceen buurta Naaso Hablood ee Hargeysa

0
197

Hargeysa,(baraarugtv)-Alle ha u naxariistee waxa maanta ku geeryooday isku dhac ka dhacay buurta naaso hablood ee magaalada Hargeysa,Mujaahid daylo cali fidhin iyo taliye kamaal oo ka tirsan ciidanka somaliland ee Hargeysa.

Sheekadu siday u dhacday aan kaa daba geeyo. Dhulkan Naaso Hablood niman Dawlada ku jira iyo niman Milatry ah ayaa ilaashanayay, niman ka tirsan Degaanka xaga waqooyi oo Ciise Muuse ah oo halkaa Beero ku lihina way sheeganayeen.

Nimankan Askarta oo ay Dawlada Xurmo daran la shuraako ahayd ayaa meesha ka dhistay Jiingaso iyo Buulal calaamad ah, meeshana qaarkood ayaa seexan jiray.

Dawlada Xurmo daran xubno ka tirsanani iyagoo ku xumaynaya kuwan meesha sheeganayay ayay soo saartay sharciyo ah in aanay meesha cidiba lahayn.

Saaka Waaberigii ayay nimankii Ciise Muuse ee meesha sheeganayay ragii oo hurda mid ka dileen midna way dhaawaceen, waanay baxsadeen.

Nimankii Askarra ahaa Hargeysa ayay Gurmad u doonteen waxaana u tagay rag tobaneeyo ah, meeshii ayaanay isku urursadeen.

Xurmo Daran halkii ay arinta ka dajin lahayd ee ay nimankii wax laayay ka dooni lahayd, waxay dirtay ciidamo Guuto ku dhaw meeshii markii ay gaadheene Jiingadihii ayay dumin ku bilaabeen.

Nimankii Askarta ahaa oo dhinac ah RRU dii iyo Policekii oo dhinac ah ayaa isku bimaabay, sidaas ayaanay ku dhinteen rag dhawr ahi qaar kalana ay ku dhaawacmeen!!

Dembiga oo dhan waxaa iska leh Xurmo daran oo Dhulka ku mamtay, taqaana in uu caqligu yahay xabad iyo dhiig daata!!