Hargeysa (Baraarugtv.com)-Ma la odhan karaa toos waxa u bilawdey qorshihii 2023 shirkii Jidhi Fulinta qodobadii xiligaa la isla gadhay iyo go’aamadii shirkii 2025 ka qabsoomay diridhaba oo lagaga soo shaqeeyay kicinta bulshada iyo dab ka hurinta Somaliland gaar ahaan Gobolada Salel iyo Awdal.
Muqaalka an marka dhawayd soo galiney goobta lagu duubay waa degmada Xariirad, dhalinyaradan hadlaysina waxay kasoo jedaan beesha Ciise oo waxay milix kusii shubayaan xaalada ka taagan Magaalada Saylac, iyaga ood luuqadooda markaaba ka dhadhansanayso inuu dabada ka riixayo ama uu la ogyahay Badhasaabka Gobolka Salel oo ku hawlan baryahanba hurinta colaado iyo iska hor imaad hor leh.
Dadka intooda badani waxay ku wareersanyihiin shalay ilaa maanta danta ugu jirta Gudoomiyaha Gobolku inuu dadka kiciyo ama la iska hor yimaado iyo ujeedada ka danbaysa.
Hadaba inyar oo iskugu jirta aragti, war iyo wacaal-ba waxaan hayo han halkan iniigu bayaamiyee hoos ka dhugo.
Dabayaaqadii sanadii 2023 degaanka Jidhi ee degmada Saylac waxa ka dhacay shir ay iskugu yimaadeen beesha Ciise kaasi oo uu hormuud ka ahaa Badhasaabka imika jooga Gobolka Salel Cabdi Siciid Faahiye, shirkaas qodobadii kasoo baxay waxay abuureen kacdoon iyo iska hor imaad bulshada ku dhaqan gobolka inkasta oo markii danbe hadana ay midaysay qadiyadii heshiiska Baddu.
Lakiin hal qodob oon la shaacin oo ahaa kan ugu muhiimsan ayaa ku jiray shirka kaasi oo ahaa in Saylac iyo Lughaya la isku daro oo Gobol laga dhigo looguna magac daro (Guban-land) isla markaana lagu dhawaaqo inuu yahay maamul goboleed ka tirsan dawlada Somaaliya. Balse qorshahaasi markii danbe waxa kala kiciyay heshiiskii Badda ee Somaliland itoobiya wada galeen oo dabayaaqadii dadkii la kala kaxaynayay uunbay danni midaysay.
Arintaasi ma fashilmin lagamana tanaasulin sidaan xogta ku hayno kaliya wakhtigaasi waxa la isla gartay in Muuse Biixi oo caqabad ku noqday fulinta qorshahan la is dhaafiyo dabadeedna Dawlad cusubi markay dhalato hadana la dhaqdhaqaajiyo oo isku day kale la sameeyo.
Shirkii beesha Ciise ee diridhaba ka qabsoomay bilawgii sanadkan ka dib oo Badhasaabka Gobolka Salel-na qayb ka ahaa waxa durba bilawdey saansaan u eeg fulinta go’aamdii xiligaas la gadhay oo ah in dadka wada dhashay ee inan iyo abtiga isku ah, isku degaanka ah, iskuna ood xiga dab la sudho, oo la isku dhufto, kacdoon, iska hor imaad iyo colaadna la abuuro. Taasi oo ah waxay ku haminayaan ragii fikirka keenay inay tahay dariiqa kaliya ee ay ku gadhi karayaan ujeedkoodii fogaa ee (Guban-lan Sate) of Somalia.
Xigasho cali xajar