Diyaaradda Itoobiya Oo Meel Kaga Dhacdey Jiritaanka Madax-bannaanida Somaliland

0
35

Ethiopia,(Baraarugtv.com)-Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta ku wargelisay rakaabka u socda magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa inaysan u baahnayn Visa Online ah oo laga soo qaato Soomaaliya, balse ay si toos ah uga heli doonaan Visa marka ay soo gaadhaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.Qoraallo iyo fariimo email ah oo shirkaddu dirtay dadka u socdaa ya hargaysa ayaa lagu caddeeyey in nidaamkan cusub uu meesha ka saarayo shuruudda E-Visa SomaliyaGo’aankan ayaa ka dambeeyey amar ay dowladda Somaliland ku siisay shirkadaha
duulimaadyada caalamiga ah ee ka shaqeeya Hargeysa

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa xaley soo saarey waraaq ku amray in fiisaha dal ku galka   booriyay dhammaan safaaradaha,si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland aysan aqbalaynin dal-ku-gal (Visa) kasta oo aan ka soo bixin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda Somaliland. shirkadaha socdaalka, iyo dadweynaha in ay u hoggaansamaan nidaamka rasmiga ah ee socdaalka iyo dal-ku-galka ee ay dejisay dowladda Somaliland.

qoraal ay soo saartey diyaaradda Itoobiya,ayaa macno ahaan u dhignaa hoos u dhigaaya jiritaanka madax-bannaanida Dawladda Somaliland.Isla markaana meel diyaarada Itoobiya  ay qoraalkeeda kaga soo qaadey fiisaha Laga qadaayo ama bixiaysa tahey  xafiis dawlada Somaliland ah ma jirto.

Sidoo kale,warsaxaafadeedkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay xaley oo ahaa fiisaha dal ku galka waxa Laga qaadan doonaa nidaamka ay u dejisay dawladda Somaliland ee ah ha,yaddaha ku shaqada leh.laakiin diyaarada itoobiyana sheegtay Garoonka Hargeysa.Balse diyaarada Itoobiya maxay uga gaabsatey in Laga qaadanayo fiisaha Visa ha,yadda ku shaqada leh ee dawladda Somaliland?

Email:-Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com