Nuxurka Qoddobo Ka Soo Baxay Baanka Dhexe Ee Somaliland

0
7

Nuxurka Qoddobo Ka Soo Baxay Baanka Dhexe Ee Somaliland

Hargeysa (Baraarugtv.com):- Baanka Dhexe ee JSL, waxa uu qaban-qaabiyay shirweynihii 1-aad ee La-dagaalanka Maydhaannka Lacagaha oo heer qaran ah, kana qabsoomay magaalada Hargeysa.
Madashani waxa ay socotay muddo laba maalmood ah oo ku beegnayd 24-ka -25-ka June 2025. Madashu waxa ay kulmisay 150 qof kuwaas oo iskugu jira madaxda dawladda, hay’adaha
maaliyadeed, daneeyayaasha arrimaha Maydhaanka Lacagaha, hay’adaha maxalliga ah, iyo kuwo caalamiga ah. Waxa shirweynaha maalgeliyay IDLO iyo dawladda Maraykanka. by
Ujeeddada shirku waxa ay ahayd in kor loo qaado ka go’naanta Dawladda ee La-dagaalanka Maydhaanka Lacagaha iyo Maal-galinta argagixisada, soo bandhigidda warbixintii qiimaynta khataraha Maydhaanka Lacagaha ee hay’adaha maaliyadeed, iyo daah-furka qorshaha muddada dhexe ee La-Dagaalanka Maydhaanka lacagaha 2025 – 2030-ka, ay ku shaqayn doonaan Baanka dhexe iyo Waaxdiisa La-dagaalanka Maydhaanka Lacagaha (Financial Intelligence Unit).
Baanka Dhexe ee JSL, waxa uu u mahadnaqayaa dhammaan daneeyayaashii iyo khubaradii sida mugga leh uga qayb qaatay muddadii uu shirku socday.
SIRWAYNAHA KOOBAAD WAXA UU KU BAAQAYAA QODOBBADAN HOOS KU XUSAN:
1. In si buuxda loo hirgeliyo Xeerka Ka hortagga Maydhaanka lacagta Xeer No. 87/2019 si loo
ilaaliyo xasilloonida dhaqaalaha qaranka.
2. In kor loo qaado wada shaqaynta Hay’adaha fulinta, kuwa caddaaladda, FIU-da iyo
hay’adaha maaliyadeed.
3. In la dardar galiyo sidii loo heli lahaa nidaam midaysan oo lagu aqoonsado macaamiisha
hay’adaha maaliyadeed “Standardized KYC”.
4. In la horumariyo xirfadda aqoonta saraakiisha FIU-da, Hay’adaha kala shaqeeya arrimaha
Maydhaanka Lacagaha iyo Saraakiisha u hoggaansanaanta ee hay’adaha maaliyadeed.
5. Kobcinta wacyiga bulshada ee La-dagaalanka Maydhaanka Lacagha.
6. Diyaarinta iyo qaabaynta habka ruqsad bixinta ganacsatada yaryar iyo dhaqaalaha aan
nidaamsanayn “informal and street economic sectors”.
7. In la abuuro tiknoolajiyad fududaysa helidda xogaha iyo bixinta warbixinaha kala duwan ee
xeerka maydhaanku waajibinaayo.
8. In la dhammaystiro sida oo kale la dardargaliyo shaqada guddida sare ee La dagaalanka
Maydhaanka Lacagaha “National Anti-Money Laundering Advisory Board”

Baraarugtv.com#Cabdifataax Ismaaciil caarshe
#Hargeisa_Somaliland