Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Saxeexida Heshiiska Is-Afgarad ee Baanka Somaliland iyo Hay’ada AfricaNenda
Baanka Dhexe ee JSL iyo Hay’ada AfricaNenda waxa ay si rasmi ah ugu kala saxeexdeen Magaalada Nairobi Heshiis Is-Afgarad (MoU), kaas oo ujeedadiisu tahay kor-u-qaadista helitaanka adeegyada maaliyadeed iyo kobcinta adeegyada lacag bixinta oo u adeegaya dhamaan qaybaha bulshada.
Heshiiska Is-Afgarad waxa saxeexay Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo Madaxa Guud ee Hay’ada AfricaNenda Mudane Dr. Robet Ochala. Kulanka saxeexa heshiiskan waxa goob joog ka haa Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Mohamed Ahmed Mohamoud.
Kala saxeexashada Heshiiska Is-Afgarad (MOU) ee u dhexeeya Baanka Somaliland iyo Africanenda waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah iyo iskaashi istaraatiijiyadeed oo loo qaaday horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.
Iskaashigaan waxa uu horseedayaa:
1. Qorsheynta iyo Qaabaynta Nidaamka Lacag Bixinta Qaranka (National Payment System Policy & Strategy).
2. Xoojinta Korjoogtaynta adeegyada lacag bixinta iyo guud ahaan tiirka maaliyadda ee Dalka.(Fintech Regulation & Financial Sector Oversight)
3. Balaadhinta Helitaanka Adeegyada Maaliyadeed si ay u gaadhaan dadka aan marin u helin (Financial Inclusion for the Unbanked)
4. Taageerada Farsamada & Kobcinta Awoodda Shaqo ee Baanka Somaliland (Technical Support & Capacity Building on Digital Payments).