Muxuu Ka Yidhi Mareeyaha Guud Ee Dekeddaha Somaliland Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Ee Saaxil?

0
132

Berbera,(Baraarugtv.com)-“Waxaannu ku soo dhawaynay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo, qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Gobolka Saaxil iyo Magaalada Berbera.runtii waxaan u mahadnaqayaa guud ahaan shacabka Gobolka Saaxil,sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen Madaxwaynahooda iyo weftigiisa.maaha markii kowaad ee madaxwaynuhu yimaado,laakiin intii uu xilka hayey boqol jeer ayuu soo booqday deegaanka iyo shacabka Saaxil,isagoo markasta u guur galaaya xaalada iyo nolosha shacabkiisa.”ayuu yidhi Mareeyaha guud ee dekeddaha SomalilandEng.Siciid Xassan Cabdillaahi oo maanta khudbad ujeediyey madal ay isugu soo baxeen boqolaal shacabka saaxil oo soo dhawaynayey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiis.