Berbera(Baraarugtv.com)- .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho shaqo oo rasmi ah ku tagay Magaalada Berbera.
Jidka dheer ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, Madaxweynaha iyo wefgigiisa waxa si diirran oo farxad leh ugu soo dhaweeyey shacab tiro badan, taasi oo muujinaysa taageerada xooggan iyo kalsoonida ay bulshada ku qabaan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Ujeeddada safarka Madaxweynuhu waxa weeyi kormeer iyo u-kuur-gal hab-sami-u-socodka hawlaha Qaranka, Mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Berbera, sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu shirar shaqo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka iyo Degmadda, isaga oo kala hadli doona arrimaha istaraatiijiga ah ee ku saabsan horumarinta Dekedda Berbera, Amniga iyo tayaynta adeegyada magaalada ee muhiimka u ah nolosha bulshada, sida Korontada, Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.