Muuse Gurigiisu Maaha Meel Xisbiga Laga Maamulo .Laba Qof-na Uma-taliyaan.Wuxuu Doonayaa Muuse

0
11

“Muuse Gurigiisu Maaha Meel Xisbiga Laga Maamulo .Laba Qof-na Uma-taliyaan.Wuxuu Doonayaa Muuse …”Gudd.Maxamed Kaahin

#(RSI TV)-“Anigoo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ah.waxaan doonayaa innaan halkan maanta ka cadeeyo.14 sano ayuu xisbiga kulmiye xisbi-xaakim ahaa. Muuse Biixi 12 sano ayuu Guddoomiye ka ahaa xisbiga.waa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa.xiligii lagu wareejiyey,isna wuu garanayaa.ana waan Garanayaa.khilaafka waxa keenay,isna wuu Garanayaa.ana waan Garanayaa.
Shirar aanu isagu xaq u laheyn,oo liiskooda iyo tiradooda lahayo ayuu gurrigiisa ku shirinayey oo ku qabanayey.Muuse Gurigiisu maaha meel xisbiga Laga maamulo.xisbiga waxa Laga maamulaa xarunta xisbigu leeyahey. Waxa cadaana oo uu Soo bandhigayey cid uu doonayo innuu Guddoomiye ka dhigo ama ka noqota xisbiga Kulmiye .sharciga uu u leeyahey iyo meesha uu marinayo,isaga ayaa yaqaan.in isagu maanta ka hadlayo muddaynta shirka xisbiga xaq uma-laha.mudaynta shirka xisbiga kulmiye cidda wax Laga waydiinayaa Maaha Muuse.waa aniga cidda go’aanka leh.waa Xeerkii uu shaley Guddoomiyaha ku ahaa.
Xisbiga laba meelood loogama taliyo.laba qofna uma-taliyaan.Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahey Guddoomiye kaliya.Guddoomiyihiina waa aniga.”ayuu yidhi Guddoomiyaha kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.
#warbaahinta Baraarugnews to