Qiso Cajiib Ah:-Ha U Baqin Carruurtaada! Mustafe

0
28

Ha u baqin carruurtaada!
Hargeysa (Baraarugtv.com)-“Jimce kasta waxa sunne ah in aynu akhrino suuradda barakaysan ee Al-Kahf. Suuradan waxa ay xambaarsan tahay qisooyin cajiib ah oo ay tahay in aynu wax ka barano. Saaka waxa i soo jiitay macnaha weyn ee ku duugan Aayadda 82aad oo ka hadlaysa, Sheekadii dhexmartay Nebi Muuse (CS) iyo addoonkii wanaagsana (Al-Khadr), taas oo ku saabsanayd Khadr oo dhisay gidaar dumaya oo ku yaallay tuulo ay dadkeedu diideen in ay martigeliyaan isaga iyo Nebi Muuse, hase yeeshee Khadr kama uu ficilqaadan ee wuxuu dib-u-dhis ku sameeyay gidaar isla tuulada ku yaalay, isaga oo aan wax magdhow ah ka qaadan’.

Qisada Aayaddan waxa ku jira faa’iidooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin:

(1) Ilaahay SWT wuxuu daryeelaa agoonta – Gidaarka waxaa lahaa laba wiil oo agoon ah, waxaana hoostiisa ku aasnaa khasnad ay iyagu dhaxlayaan, balse weli may qaangaadhin si ay uga faa’iidaystaan.

(2) Dhaxalka waalidka wanaagsan – Aayaddu waxay inna xustay in aabahood uu ahaa nin saalix ah, sidaas darteed, Ilaahay wuxuu xafiday hantidooda oo wuxuu ka ilaalay waxyeello ilaa ay ka koraan. Tani waxay muujinaysaa in wanaagga waalidku aannu ku ekaan oo keliya noloshiisa, balse uu saameyn ku yeesho carruurtiisa. Sidaas awgeed, waxa inala gudboon in aynu carruurta wanaag uga tagno, taas oo ah in aynu innagu nafteenna wanaajinno.

(3) Nolosha dhacdooyinka laga yaabo inay innagu adag yihiin fahankooda, waxay noqon karaan kuwo kheyr leh oo mustaqbalka aynu la kulmi doono.

Akhriste, waad ku dari kartaa faa’iidooyinka kale ee aad ka heshay Aayadan?

Mustafe Adam