Murashaxa Madaxweynaha Trump oo taageeray lacagta Bitcoin

0
66

Maraykanka(baraarugtv com)-Madaxweynihii hore dalka Maraykanka ahna Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ka qayb galay shirweynaha Bitcoin ka ee ka socda magaalada Nashville ayaa si weyn u taageeray lacagta dhanka Internetka caanka ah ee Bitcoin taas oo sannadihii la soo dhaafay si weyn loo adeegsanayey.

Trump ayaa lacagtan ku tilmaamay in ay Dayaxa marayso isaga oo ku baaqay in Maraykanku uu noqdo Caasimadda lacagaha online ah.

Hadallada Trump ee ku wajahan lacagta Bitcoin ayaa loo arkaa in ay kor u qaadayaan qiimaha lacagtan oo sannadkan la kulmay jug weyn oo ka soo gaadhey tallaabadii uu Jarmalku ku iibiyey lacagtii Bitcoin ee suuqan ugu jirtay.

Sidoo kale Trump ayaa isaguna tan ku heli kara taageerayaal aad u badan oo codkooda siiya doorashada dhacaysa bisha November.