Murashaxa jagada xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Maxuu Indhihiisa Ku Arkay Maanta?

0
58

Ceerigaabi,(Baraarugtv.com)-Murashaxa jagada xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro,ayaa safar uu ugu magacdarey Walaaleeye ku galaabixiyey Deegaanada Goboladda galbeedka iyo bariga Somaliland.isla markaana boqolaal taageero-yaal ah,oo ku labisan midibka astaanta calanka xisbiga Waddani ayaa ku soo dhaweeyay meelkasta oo cagta uu dhigo Cabdiraxmaan cirro.

Murashaxa jagada xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Maxuu Indhihiisa Ku Arkay Cagta Dhigay Deegaanadda Goboladda Galbeedka Iyo Bariga Ee Somaliland?
Murashaxa jagada xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Maxuu Indhihiisa Ku Arkay Cagta Dhigay Deegaanadda Goboladda Galbeedka Iyo Bariga Ee Somaliland?

Wefti balaadhan oo murashax Cabdiraxmaan cirro ku wehelinayey Guddoomiyaha xisbifa Waddani Xirsi iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani,ayaa maanta boqolaal taageerayaasha xisbiga Waddani ku soo dhaweeyeen magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo,balse wacdaraha isbeddel foolaad u ah ayaa maanta gaadhay yar iyo weyn bulshada,taasoo sawirka uu muujinayo socdaalka weftiga uu hogaaminayey Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan cirro,ayaa soo dhaweyn khayrul-caadi aheyn ayuu kala kulmayey magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo xamaasad,dareen ku dheehan iyo milgo badan.yadoo socdaalka murashaxa madaxweynimada xisbiga Waddani Cabdiraxmaan cirro waxay markhaati u tahay, in maanta shacabka reer Somaliland u baahan yihiin  isbeddel iyo in dhiig cusub loo baahan yahey in maanta ay hogaamiso talada iyo dawladnimada Somaliland.ù